Ereyga Maanta: maneysi
fuunto  Ukun waqtigii la isticmaali lahaa dhaaftay oo aan waxtar lahayn. ld fuundo.
fuuntoobid  eeg fuuntow. ld fuundoobid.
fuuntow   Ukun fuunto noqosho. ld fuundow.
fuuq1   Dhuunta baaruudda xabbadda qarxisaa ku jirto; qashir. fuuq2  1. Shanqarta ka yeerta kolka biyaha, caanaha iwm xoog loogu soo nuugo bushimaha oo urursan oo loo dhoweeyo; fiq; fururuq. 2. In yar oo kol la fuuqsado. ld fiiq². fuuq3   Hoore si tartiib ah uga dhergid. fuuqbax  (daaw.) Biyaha oo ka yaraada soohyada jirka, waxayna ka iman kartaa: qaadasho la'aan biyo jirka ku filan. Biyo badan oo ka baxa jirka (dhidid, matag, shuban). Astaamo: harraad badan, itaal darro iyo lallabo.
fuuqdhabiil   Qof aad u dhabiil badan oo aan oggolayn in ay waxyar dhaafaan.
fuuqdhabiilnimo  Fuuqdhabiil ahaansho.
fuuqid  eeg fuuq³.
fuuqsad  ld fuuqsasho.
fuuqsasho  eeg fuuqso. ld fuuqsad, fuuqsi.
fuuqsi  ld fuuqsasho.
fuuqso   Wax hiinsasho.
fuur1  1. Geed gaab aad u baxay oo dhulka qariyey. 2. Wax dhulka ka soo fooca. 3. F. ah: caano dhanaanay oo intii faarka ahayd kor soo martay. fuur2   1. Dibirid. 2. Dhulka ka soo foocid. 3. Caano dhanaan awgeed faar kor soo marid. fuuraa  Dhicis xoolaad oo isagoo bakhti ah dhashay.
fuurid  eeg fuur².
fuursan   Wax fuurey ahaansho.
fuursanaan  eeg fuursan. ld fuursanaansho.
fuuryeel   Ka f.: wax la qaybsanayo qof qaybta uu ku leeyahay siin inta aan la qaybin.
fuuryeelid  eeg fuuryeel.
fuushan   Wax, wax kale dusha ka saaran ahaansho.
fuushanaan  eeg fuushan. ld fuushanaansho.
fuushanaansho  ld fushanaan.
fuushii   ld fuuli.
fuushiin  ld fuulin¹.
fuusto   Weel bir ah, adag, qaab dhululubo leh oo laba boqol oo litir qaada; barmiil. ld foosto.
fuwo  1. Xidid asalkiisa lagu rinjiyo cawda. 2. Dhar aan xariir iyo suuf midna ahayn oo tayadiisu xuntahay. 3. ld fawo.
fuxshi  Fal xun oo aan diinta iyo dhaqankuba oggolayn.
page : 73 of 73
<< < 68 69 70 71 72 73