Ereyga Maanta: dabakannaaxid
faddare  1. F. ah: qof ku dhaqma wax aan diinta Islaamka iyo dhaqanku oggoleyn; nijaas. 2. F. ah: wax nijaasi gaartay. ld faddaro.
faddaree  Wax faddaro ka dhigid, wax baabi'in.
faddaro  ld faddare.
faddaroobid  eeg faddarow². ld faddarow¹.
faddarow1  ld faddaroobid. faddarow2  Wax, faddaro noqosho. faddhac1  F. ah: go'idda wax cadad ka go'aan ee uu yeesho meelo daloola. faddhac2  Wax, cadad meelo daloola u yeela ka go'id. faddhicid  eeg faddhac².
faddo  1. Meel dhulka kale in yar ka sarreysa, bannaan oo la dego waqtiga roobabawda. 2. Taag.
fadeexad  ld fadeexo.
fadeexayn  eeg fadeexee.
fadeexee  Cid fadeexo ku samayn; dacaayadeyn.
fadeexo  Fal xun oo aan qarsoonayn; ceeb, facsharo.
fadeexoobid  eeg fadeexow.
fadeexow  Fadeexo la kulmid.
fadfad1  Godgod yaryar oo cudurka furuqu ku reebo jirka nafleyda; furuqdhaw, furuqdhoon. fadfad2  1. Jir nafley humbuluuluqid. 2. Raashin karaya tiqid. fadfadid  eeg fadfad².
fadgoo  ld fadgooyo.
fadgooyo  1. Qiimagoo lagaga deyanayo gataha u horeeya waxa uu bixiyo. 2. Hanti yar oo xoolo gooyo ahaan qof loo siyo. 3. Waxtar horaadka laga helo shay kharaj ku baxay. 4. Cadad waaweyn oo wax loo googooyo. ld fadgoo.
fadhaq-dareen  (daaw.) Miiqaqo dareen- wadaha ee unugga dareenwade, kuwaasi oo u gudbiyo gujooyinka dareen wade jidhka unugga dareen wadaha.
fadhi1  1. Qaabka iyo xaalada qof salka dhulka ku haya. 2.(-iyo, m.dh) Rug la degganyahay. Tus. “Fadhigeygu waa Afgooye”. 3. Lo' tiradeedu boqol gaartay. 4. Shir muhim ah. Tus. “Fadhigii shalay la galay go'aan wax-ku-ool ah ayaa ka soo baxay”. 5. Caano f. ah: caano garoor ah; eedaq. 6. Qolka f.ga: qol loogu taloggalay in la fadhiisto. 7. ld fadhiyid. fadhi2  1. Salka meel dhigid. 2. Rasmi ahaan meel u degid. fadhibarad  Ilmo yar oo bilaabay fadhi.
fadhibarasho  eeg fadhibaro.
fadhibaro  Ilmo yar gaarid waqti uu fadhiisto isagoon cidi hayn.
fadhiid  F. ah: ilmo cudur, nafaqaxumo awgeed waqtigii uu socon lahaa aan socon.
fadhiidnimo  Fadhiid ahaansho.
fadhiisad  ld fariisasho.
page : 9 of 73
<< < 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 > >>