Ereyga Maanta: maneysi
faajafajood  eeg faajafaajoo.
faajeer  Nin bakhayl ah oo aan xilkas ahayn.
faajir  Nin wax diintu xaaraantimaysay sameeya.
faajirad  Naag wax diinta xaaraantimaysay samaysa.
faajirnimo  Faajir ahaansho.
faakharad  Dabayl ka dhacda xeebaha badweynta Hindiya xilliga dayrta.
faakihaysad  ld faakihaysasho.
faakihaysasho  eeg faakihayso. ld faakihaysad, faakihaysi.
faakihaysi  ld faakihaysasho.
faakihayso  Raaxo waqti isku dhaafin.
faal  Farsamo loo adeegsado kuul, aleel, turub, dhulxarriiqid iwm oo lagu mala'awaalo wax dhacay ama dhici doona.
faalal1  1. Agagaar, hareer. 2. Socod aan meel lagu tegin. 3. ld faalalid. faalal2  1. Dhul ku kor faafid. 2. Lugabaxsi meel aan fogeyn ku tegid. faalalid  eeg faalal². ld faalal¹ (3).
faalallow  1. Nin faalka yaqaan. 2. Sixirrow. ld faalshow, faashow.
faalan  ld falan².
faalaxgooddi1  ld falaxgooddiyid. faalaxgooddi2  ld falaxgooddi². faalaxgooddin  ld falaxgooddiyid.
faalaxgooddis  ld falaxgooddiyid.
faalaxgooddiyid  ld falaxgooddiyid.
faali  Faal dhigid.
faalig  1. Si aan nidaamsanayn wax u feteshid. 2. Si aan nidaamsanayn wax u cunid. ld faalug.
faaligid  eeg faalig. ld faalugid.
faalij  eeg Xubnaqalal.
faalikad  Jirrid geed weyn oo go'an oo dhismo loogu talaggalay.
faalin  eeg faali. ld faalis.
faalis  ld faalin.
faaliye  Faallalow.
faallayn  eeg faallee.
page : 3 of 73
< 1 2 3 4 5 6 7 8 > >>