Ereyga Maanta: maneysi
gaajabbeel2  Nafley baahneyd gaajo iska reebid. ld qaajabbeel². gaajabbeelid  eeg gaajabbeel². ld qaajabbeelid.
gaajaysan  Wax gaajo hayso ahaansho. ld qaajaysan.
gaajaysnaan  eeg gaajaysan. ld gaajaysnaansho, qaajaysnaan, qaajasnaansho.
gaajaysnaansho  ld gaajaysnaan.
gaajo  Dareen jirku dareemo marka cuntadu ka raagto. ld qaajo.
gaajoo  Gaajo dareemid.
gaajood  eeg gaajoo.
gaal1  1. Nin aan muslin ahayn. 2. Nin aan raxmad lahayn. 3. ld faranji. 4. ld ceelgeel: Ceel biyo badan oo aan dhano la hayn; ceelgaal. 5. ld geel (haruubgaal, xeryagaal iwm). gaal2  1. Haweeney aan muslin ahayn. 2. Haweeney aan raxmad lahayn; gaalad. 3. Hab; dabeecad. gaalad  Haweeney aan muslin ahayn.
gaalayn  eeg gaalee.
gaalee  Cid gaal ka dhigid.
gaalib1  Nooc fardaha orodkooda ka mid ah. gaalib2  Faras orod aan dheerayn samayn. gaalibid  eeg gaalib².
gaalis  (xis.) Urur tirooyin ah ama baro ah oo ku yaalla habdhis kulan oo qeexaya dhammaan qiimayaasha u dhexeeya laba bar dhammaad. Haddii labada bar dhammaad ay jiraan g.ka waa gaalin oodan, haddii an ku jirinna waa g. furan.
gaalis-furan  (xis.) Urur ka kooban tirooyinka u dhexeeya laba tiro oo la isa siiyey oo aan ku jirin bar dhammaadyada. G.ka f. ee u dhexeeya laba tiro oo maangal ah a iyo b waxa loo qoraa (a,b). Marka g.ka f. lagu muujinayo xarriiq tiro bar dhammaadyada goobo ayaa la geliyaa.
gaalis-xidhan  (xis.) Urur ka kooban tirooyinka u dhexeeya laba tiro oo la isa siiyey oo ay ku jiraan bar dhammaadyada. Gaaliska xidhan ee u dhexeyaa laba tiro oo maangal ah a iyo b waxa loo qoraa [a,b]. Marka gaaliska xidhan lagu muujinayo xarriiq tiro bar dhammaadyada waxa ugu calaamadeeyaa goobo gudahooda la madoobeeyay.
gaallan  Wax aan muddo lagu dhaqmin ahaansho.
gaallanaan  eeg gaallan. ld gaallanaansho.
gaallanaansho  ld gaallanaan.
gaallays1  Waran g. ah: nooc warmaha waaweyn ka mid ah lagu dagaallamo. gaallays2  Toorrey g. ah: toorrey dheer oo birsulub leh oo lagu dagaallamo. gaalleef  1. Nooc ka mid ah toorreyda oo godan. 2. Mindi dheer oo godan oo qaab toorrey leh.
gaalli  1. Wax aayar u wadid. 2. Wax yarayn.
gaallin  eeg gaalli.
gaallisee  1. Durbaan la garaacayo tallaabo la helid. 2. Cid ku dul wareegid.
gaalliseyn  eeg gaallisee.
gaalliso  Nooc ciyaaraha lagu jaameeyo ka mid ah.
page : 5 of 102
< 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 > >>