Ereyga Maanta: dabakannaaxid
guruuructan  Gunuunuc is waydaarasho.
gurux  1. Isha inteeda kuusan ee baararka ka hooseysa. 2. Dhaqdhaqaaqa isha.
gurxad  ld gurxasho.
gurxamid  eeg gurxan ².
gurxan1  Cod gaar ah oo nafleyda qaarkeed samayso oo badanaa ku lug leh guhaad ama wax doon (libaax, ey, iwm). gurxan2  Gurxan samayn. gurxasho  eeg gurxo. ld gurxad.
gurxo  Sal ku socosho (curyaan).
guryamid  eeg guryan². ld duryamid.
guryan1  Hadal badan oo aan murti lahayn. ld duryan¹. guryan2  Hadal badan oo aan murti lahayn dabeebasho. ld duryan². guryannoqo  Xero laga soo guurey u noqosho (xoolo).
guryannoqod  ld guryannoqosho.
guryonnoqosho  eeg guryannoqo. ld guryannoqod.
gus  Xubinta taranka ee ragga.
gusoore  1. Bartamaha guga. 2. Bar-waaqo. ld gu'soore.
guubaabi  Cid inay wax ku tallaabsato ku boorin.
guubaabin  eeg guubaabi. ld guu-baabo.
guubaabo  Hadal loo jeediyo cid la rabo inay arrin ku tallaabsato. ld guubaabin.
guube  Xuub weyn xab ka buuxo oo ka soo horreeya ilmaha dhalashadiisa (geel). ld gube.
guubi  Hal dhalaysa guube keenid.
guubin  eeg guubi. ld guubis.
guubis  ld guumis.
guud  1. Aan gaar ahayn. 2. Timaha dheer oo fardaha iwm surkooda, dhinaca kore, ku yaal. 3. Timaha weyn oo madaxa oo dadka deysto. 4. Wax kor u dheer, madaxa ugu korreeya; kore; sare; baar.
guudaamid  eeg guudan².
guudaan1  Nooc cudur ka mid ah cudurrada geelaha oo geeri leh. guudaan2  Geel guudaan haya ahaansho. guudadley  Qof dumar ah oo guudad leh.
guudey  Sagaarada weyn ee dheddig.
guudfuul1  ld guudfuulid.
page : 98 of 102
<< < 93 94 95 96 97 98 99 100 101 102 >