Ereyga Maanta: fitaaxsanaansho
guudfuul2  Xakame la'aan fuulid (faras). guudfuulid  eeg guudfuul². ld guudfuul¹.
guudlihi  Magac guud oo ay wadaagaan haweenka iyo farduhu.
guudmar1  ld guudmarid. guudmar2  Hadal duuban oo kormar ah ku hadlid. guudmarid  eeg guudmar². ld guudmar¹.
guugguule  Shimbir cidiisu “guu-guu” tahay; dhoor buu leeyahay; hud'hud.
guul1  1. Xoolo aroor ah oo ka dhaxay xeradoodii. 2. ld guulid. guul2  Dagaalka ama tartanka oo lagu adkaado; lib; libin; liibaan. guul3  1. (f.g) Cid haddadid. 2.(f.mg) Xoolo aroor ama wabax ah meel ceelka u dhow habeen u hoyasho. 3. (f.mg) Xoolo iwm dhaan isugu keenid. Tus. “Geelii wuxuu isugu guulmay gasada”. guulaamee  Daruuro badan oo biyeysan cirka heehaabid.
guulaameyn  eeg guulaamee.
guulaamo  1. Daruuro waaweyn oo biyeysan, madow oo cirka maaxa. 2. Qiiq si xoog leh isu qabsaday. ld guuleeto.
guulalloobid  eeg guulallow².
guulallow1  Welwel iyo cabsi ku dhasha qofka marka uu ka baqayo dhibaato ku soo fool leh. guulallow2  Dhibaato ku soo fool leh awgeed welwel iyo cabsi dareemid. guulallowsan  Wax guulallow hayo ahaansho (qof).
guulallowsanaan  eeg guulallowsan. ld gulallowsanaansho.
guulallowsanaansho  ld guulallowsanaan.
guulan  Wax isu ururay oo gadaal u gurtay noqosho.
guulato  Naag aan sarriig lahayn oo martidu ku soo dhiirran aqalkeeda.
guuldarraysad  ld guuldarraysasho.
guuldarraysasho  eeg guuldarrayso. ld guuldarraysad, guuldarraysi.
guuldarraysi  ld guuldarraysasho.
guuldarrayso  Guuldarro la kulmid.
guuldarro  Ku fashilmidda dagaal, tartan iwm lagu fashilmo.
guuleeto  ld guulaamo.
guuleysad  ld guuleysasho.
guuleysasho  eeg guulayso. ld guuleysad, guuleysi.
guuleysi  ld guuleysasho.
page : 99 of 102
<< < 94 95 96 97 98 99 100 101 102 >