Ereyga Maanta: maneysi
hab1  1. Sida wax loo qabto ama loo sameeyo. 2. Caano ama biyo aan badnayn oo loogu talaggalay in carruurta la siiyo. 3. ld habid. hab2  (nax.) Habka uu hadluhu u soo bandhigo hawlaha (ama sifooyinka) ay falalku muujiyaan. hab3  Habsiin. hab4  1. (f.g) Ilmo dhashay caano ama biyo ku qabasho. 2. (f.mg) Weel, hoore dhibic-dhibic u sii dayn. hab-farsamadeed  1. Hab gaar ee wax qabad, badanaa hab la xiriira xirfad gacan ka qabasho. 2. Xirfad iyo awood ee farshaxan, isboorti ama waxqabasho gacmeed, taasoo aad horay ugu martay tababar iyo hawl gacmeed.
hab-kulxidh  (fiis.) Hab kul daynaa-mikaad oo dhaca ama dhammaysyirma iyada oo aanu kul soo gelin kana bixin. Guud ahaan, isbeddelka kul-xidh waxa uu keenaa kor u-kaca ama hoos u-dhaca heerkulka.
habaab  H. ah: dabinkabood; lumid. ld habow¹ (2).
habaabi  Qof marinka toosan ka weecin.
habaabid  eeg habow². ld habow¹.
habaabin  eeg habaabi. ld habaabis.
habaabis  ld habaabin.
habaar1  Dhibaato cid Eebbe looga baryo. habaar2  Cid belaayo haleesha Ilaah uga baryid. habaaran1  Wax habaar ku dhacay ahaansho. habaaran2  Wax habaar ku dhacay noqosho. habaarid  eeg habaar².
habaarmid  eeg habaaran¹.
habaarnaan  eeg habaaran². ld habaarnaansho.
habaarnaansho  ld habaarnaan.
habaarqabe  1. Qof dhib badan. 2. Qof waalidkii habaaray.
habaarramid  eeg habaarran.
habaarran  (dii.) In Eebbe cid waxyeello gaarsiiyo baryid.
habaartamid  eeg habaartan.
habaartan  Is habaarramid (laba qof).
habaas  1. Ciid budo ah oo dabayshu kiciso. 2. H. ah: jimic (xoolo).
habaasi  1. Boor kicin. 2. Neef riman candho keenid; carin; gorin.
habaasin  eeg habaasi.
habac1  1. Daal iyo kala daadsanaan wax ku yimaad. 2. Dhereg. 3. Biyo ceel ama weel ku raagey. habac2  1. Daal iyo kala daadsanaan la kulmid. 2. Wax ka dhergid. 3. Weel biyo sii deyn. habacsan  Wax habac ku dhacay ahaansho.
page : 5 of 93
< 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 > >>