Ereyga Maanta: maneysi
habacsanaan  eeg habacsan. ld habacsanaansho.
habacsanaansho  ld habacsanaan.
habaq  H. ku dheh: meel isku tuurid (daal iwm dartii).
habaqle  1. Socod si kala dambayn ah qofba mar u yimaado. 2. H. ah: dad si kala dambaysa qofba mar u yimaado. 3. Daal ama gaajo la luudidda.
habaqlee  Si habaqle ah u socosho.
habaqleyn  eeg habaqlee.
habar1  Haruubka haanta. habar2  1. Naag duq ah. 2. Hooyo. 3. Dubaarad, dubnad. habar-ari  1. Roobka deyrta ugu horreeya. 2. Bilaha soomaaliga mid ka mid ah. ld habar-eri.
habar-eri  ld habar-ari.
habardugaag  Dugaag oo dhan.
habarey-maanyo  Nafley la aaminsanyahay in ay badda ku nooshahay oo qaarka sare gabar ka ah qaarka dambena mallaay. ld gabarey-maanyo.
habarjinni  Naag jinni ah oo la aaminsanyahay in ay ku nooshahay meelaha biyuhu ku jiraan.
habaroobid  eeg habarow². ld habarow¹.
habarow1  ld habaroobid. habarow2  Habar noqosho. habarticaa  1. Nagaar buruq weyn iyo ubax qurxoon leh. 2. ld habarticay. Shimbir food dheer oo ci'badan.
habarticay  ld habarticaa (2).
habarwacad  ld habarwacasho.
habarwacasho  eeg habarwaco. ld habarwacad.
habarwaco  U h.: qof dhibaato haysato ehelo u qayladhaansasho.
habarwadaag  Walaalo isku hooyo keliya ah.
habaryar  Hooyada walaasheed.
habas  Shimbir yar oo midab dambas ah leh oo badanaa dhulka dhabbacda.
habay1  1. H. ah: weel cusub oo la tolay, markaa la agloolay oo hoorihii lagu shubo sii daaya. 2. ld habyid. ld habayo. habay2  Weel dareere lagu shubay sii dayn. habayn  eeg habee. ld habays.
habayo  1. Weel biyood. 2. ld habay¹.
habays  ld habayn.
habaysan1  Wax la nadaamiyey noqosho.
page : 6 of 93
< 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 > >>