Ereyga Maanta: maddooyamaddooyo
habjaqleyn  eeg habjaqlee.
hablo  Tiro gabdho ah oo hal ka badan.
haboon  eeg habboon.
habow1  1. Dhumidda laga dhumo jidka toosan. 2. ld haabab. H. ah: qof jidkii toosnaa ka dhumay. 3. H. ah: dad cayr la dalaabay. 4. ld habaabid. habow2  1. Jidka toosan ka lumid. 2. Cayrnimo la dalaabid. habqaad  Dhiil yar oo ilmaha caanaha loogu shubo.
habqamid  eeg habqan².
habqan1  1. Socod daal iyo dhibaato darteed dad wada socda ku kala haraan. 2. Dhawaaq dad kala dambeeyaa isdhaafsadaan. habqan2  Habqan samayn. habqoraxeed  Qorraxda iyo meereyaasha waaweyn ee ku dul wareega.
habrasho  eeg habro.
habrawadaag1  Dad hooyooyinkood walaalo yihiin. habrawadaag2  Dad hooyooyinkood walaalo. habro  Cid si wanaagsan oo aan hagrasho lahayn wax ugu qabasho.
habroor1  ld habroorid. habroor2  Ilmo macluul ah abaydiminta aan ku habaysnayn darteed ahaansho. habroorid  eeg habroor².
habsaamid  eeg habsaan². ld habsaan¹.
habsaan1  1. Daahid qof ka daaho meel laga sugayey. 2. H. ah: Qof ka daahay meel laga sugayey. 3. ld habsaamid. habsaan2  Wax dib u dhacay ahaansho. habsabbuux  Baddu marka ay kacsantahay.
habsad  ld habsasho.
habsamaan  eeg habsan. ld habsamaansho, habsami.
habsamaansho  ld habsamaan.
habsami  Si asluub iyo maamuus leh oo loo dhaqmo. ld habsamaan.
habsan  Wax si fiican loo farsameeyey ahaansho.
habsasho  eeg habso². ld habsad.
habsii  Cid kalgacayl dartii isku duubid.
habsiin  eeg habsii.
habso1  Caaryidda ama buuxsamidda badda marmarka qaarkoodka dhaca.
page : 9 of 93
<< < 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 > >>