Ereyga Maanta: liifmid
hurgufnaan  eeg hurgufan. ld hurgufnaansho.
hurgufnaansho  ld hurgufnaan.
hurgufo  Maro, derin iwm habaas, biyo iwm ka jafasho.
hurgumasho  eeg hurgumo.
hurgumeysan  Wax hurgumo ku jirto ahaansho. ld hurgunsan.
hurgumeysnaan  eeg hurgumeysan. ld hurgumeysnaansho, hurgunsanaan, hurgunsanaansho.
hurgumeysnaansho  ld hurgumeys-naan.
hurgumi  Meel hore oo bugtay caallir ku ridid.
hurgumid  eeg hurgun².
hurgumin  eeg hurgumi.
hurgumo1  ld hurgun¹. hurgumo2  Aroor hore socod gelid. hurgun1  Caalirka iyo fasaska ku dhaca meel hore u jirranayd. ld hurgumo¹. hurgun2  (daaw.) Dhiig ku uruursamid xubin dhexdeed. Waxaana keena cadaadiska ku soo noqda xididdada dhiigga cabburidda sambabada iyo beerka waxay dhacdaa markii uu wadnuhu hawl gabo. hurgun3  Meel hore u bugtay hoos ka caalirid. hurgunsan  ld hurgumeysan.
hurgunsanaan  ld hurgumaysnaan.
hurgunsanaansho  ld hurgumeys-naan.
huri  1. Dab shididdiisa bilaabid. 2. Dab ololin.
hurid  eeg hur². ld huris².
hurin  eeg huri. ld huris¹.
huris1  ld hurin. huris2  ld hurid. huriwaa  H. ah: wax lagu qasbanyahay oo meel kale oo laga maro aysan jirin. ld huriweyto.
huriweyto  ld huriwaa.
huriye  1. (dii.) Qof kaniisad ka heesa. 2. (riw.) Qof ka mid ah koox heesta.
hurmadow  1. Maduulka ay yeeshaan weelasha dabka la saaro. 2. Qoryo dab lagu shiday oo qaar ka mid ahi gubtay. ld hormadow.
hurnaan  eeg huran. ld hurnaansho, hurranaan, hurranaansho.
hurnaansho  ld hurnaan.
hurran  ld huran.
page : 90 of 93
<< < 85 86 87 88 89 90 91 92 93 >