Ereyga Maanta: liifmid
habso2  1. Si aan habsamayn u fariisasho. 2. Ku h.: abaar, cudur iwm si cid u saamayn. Tus. “Abaar baa dalka ku habsatay”. habuuq1  Sabuulka marka iniinihiisu jilacsanyihiin laakiin uu cunnimo galo; iniino meseggo ama galley oo curdun ah. ld haquuq¹. habuuq2  Beer, waqti sabuulkeeda la cuni karo gaarid. ld haquuq². habuuqid  eeg habuuq². ld haquuqid.
habuuqsasho  eeg habuuqso. ld haquuqsasho.
habuuqso  Habuuq gurasho. ld haquuqso.
habxumaan  eeg habxun. ld habxumaansho, habxumi, habxumo.
habxumi  ld habxumaan.
habxumo  Si aan wanaagsanayn oo wax yihiin. ld habxumaan.
habxun  1. Wax aan si habboon isugu dubaridnayn ahaansho. 2. Qof si aan wanaagsanayn wax u farsameeyey ahaansho.
had  1. Dhimashada. 2. Wed. 3. ld hed.
had1  1. Waqti la yaqaan oo bilaw iyo dhammaad leh; goor, kol, ammin. 2. H. iyo goor ama had iyo jeer: mar kastaba. 3. H.ahaa: goortan, waqti-gaan. 4. H.ba: kolkii in la joogaba; marmar. 5. H.da: goorta la joogo; amminka. 6. H.daa: waqtigaan, goortan. 7. H.daba: sidaas darteed. 8. H.dana: kol labaad, kol dambe; misana. 9. H.dee: sidaas darteed, haddaba. 10. H.deer: hadda, amminka.11.H.ma?: goorma? 12. H.diiba: waqtiga la joogo; amminka, hadda. had2  eeg haddii. had3  1.Wax fahmid ama garasho. 2. Wax xusuusid. 3. Qof dilid. hadaadumid  eeg hadaadun². ld hadaadun¹ (2).
hadaadun1  1. Cayrnimo iyo gaajo darteed oo la dalaabo. 2. ld hadaadumid. hadaadun2  Cayrnimo iyo gaajo darteed la dalaabid. hadaaf1  1. Socod tartiib loo socdo. 2. ld hadaafid. hadaaf2  Socod tartiib ah socosho. hadaafi  Nafley tartiib u wadid.
hadaafid  eeg hadaaf². ld hadaaf¹ (2).
hadaafin  eeg hadaafi. ld hadaafis.
hadaafis  ld hadaafin.
hadaaq1  1. Hadal aan la garanayn oo carruurta aan hadalbaran ku dhawaaqdo marka ay ciyaarayaan. 2. Hadal aan micno lahayn. 3. ld hadaaqid. hadaaq2  1. Carruur hadal barad ah hadal aan la garanayn ku dhawaaqid. 2. Hadal aan micno lahayn dhihid. hadaaqid  eeg hadaaq². ld hadaaq¹ (3).
hadaayad  Daboolka sufriyada. ld hado, hayaayad.
hadaf1  1. Ujeeddo, himilo. 2. ld hadfid. hadaf2  Laamo geed oo ay caleemo badan ku yaalliin. hadaf3  Wax ka ilduufid.
page : 10 of 93
<< < 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 > >>