Ereyga Maanta: dabakannaaxid
hurranaan  ld hurnaan.
hurranaansho  ld hurnaan.
hurre  Midab madow-dhalaal ah.
hurrun  Meel dhir badan; jiq.
hursan  Wax la huriyey ahaansho (dab).
hursanaan  eeg hursan. ld hursa-naansho.
hursanaansho  ld hursanaan.
hurud  Hurdo dhex gelid.
huruud  1. Sacfaraan. 2. Budo hurdi ah oo haweenku wejiga, gacmaha iyo lugaha ku qurxistaan.
huruudsad  ld huruudsasho.
huruudsasho  eeg huruudso. ld huruudsad.
huruudso  Huruud marsasho.
huruuf1  1. Astaan wejiga laga muujiyo oo cid colaad loogu muujinayo. 2. ld huruufid. huruuf2  Cid colaad wejiga uga muujin. huruufid  eeg huruuf². ld haruuf¹, haruufid, huruuf¹ (2).
huruushad  Dhuxul noqosho (wax).
huruushadid  eeg huruushad.
huruusho  Wax dhuxul noqday.
huruushoo  Dhuxul noqosho (wax dab ku gubtay).
huruushood  eeg huruushoo.
huryo  1. Dawacada keeda dheddigga ah. 2. Shimbir yar oo ganfuur cas oo geela garbaha ka cunta; jirri.
hus  Aammus!; shib dheh!; us.
huubo  1. Meel qatar ah. 2. God aan si fiican loo arki karin oo lagu dhici karo. 3. Gufarka weel salkiis ku hara.
huuf1  ld hiif¹. huuf2  ld hiif². huufid  1. ld hiifid. 2. Qof soo orday neef gurid.
huufsan  Wax soo orday oo neeftuuraaya ahaansho.
huufsanaan  eeg huufsan. ld huufsanaansho.
huufsanaansho  ld huufsanaan.
huugaan  Daruur.
page : 91 of 93
<< < 86 87 88 89 90 91 92 93 >