Ereyga Maanta: maneysi
huwanaansho  ld huwanaan.
huwasho  eeg huwo. ld huwad.
huwi  Cid wax ku daboolid. ld huwisii.
huwin  eeg huwi. ld huwis, huwisiin.
huwis  1. (-syo, m.dh) Go'weyn oo tol leh oo la siiyo ugaasyada. 2. ld huwin. huwisii lg2 (-iiyay, -iisay) ld huwi.
huwisiin  ld huwin.
huwo  Wax dusha isaga daboolid (maro, buste iwm.).
huy  Nooc ciyaaraha biyaha korkooda lagu ciyaaro ka mid ah oo lugaha la isla dhaco; shaambo.
huyuc1  Isbeddelidda wax huuray urkoodu isbeddelo. ld hunyuc¹. huyuc2  Wax la huurshay urkooda isbeddelid. ld hunyuc². huyucid  eeg huyuc².
huyucsad  ld huyucsasho.
huyucsan  Wax qaab xun oo aan kala baxsanayn leh ahaansho. ld hunyucsan.
huyucsanaan  eeg huyucsan. ld hunyucsanaan, hunyucsanaansho, hu-yucsanaansho.
huyucsanaansho  ld huyucsanaan.
huyucsasho  eeg huyucso. ld huyucsad, huyucsi.
huyucsi  ld huyucsasho.
huyucso  Si qaab xun tabar darri ku jirto u socosho.
huyun  (huyun/-nno, m.dh) Geed dheer oo aan qodax lahayn, xabag la cunana leh, oo qoryihiisa weelasha siddo looga sameeyo.
huyuumas  (baay.) Maatar kiimiko ahaan burburay ama qayb ka mid ah burburtay kana mid noqday carrada, kaasoo asal ahaan ka yimid dhir ama xayawaan. Dhulka aan beernayn huyumasku waxuu uga yimaadaa dhir hore oo si dabiici ah u quruntay; dhulka qodan ee la beeray huyumaska wuxuu ka helaa digada xoolaha lagu bacrimiyo.
huyuumiso  ld hayaamiso (2).
page : 93 of 93
<< < 88 89 90 91 92 93