Ereyga Maanta: hiilley
hadal1  Dhawaaq afka dadka ka soo baxa, ereyo ka kooban oo macno leh. hadal2  Ereyo macno leh sheegid. hadalbadi  Dabeecad qof leeyahay oo ah in uu had iyo jeer sheego hadal tiro badan oo aan loo baahnayn. ld hadalbadni.
hadalbadni  ld hadalbadi.
hadalcun  Qof aan hadalku si bayaan ah uga soo bixin.
hadalhayn  eeg hadalhee.
hadalhee  1. Wax muhimad gaar ah la siiyo wax ku saabsan sheeggiddiisa ku celcelin. 2. Qof maqan wax ku saabsan sheegid.
hadaljeeli  Rabitaan qof rabo in uu ka hadlo mar kasta meel hadal lagu hayo.
hadalla'aan  Aamusnaan.
hadalsii  Ka h.: Qof in uu hadlo ku qasbid.
hadalsiin  eeg hadalsii.
hadaltiro  Hadal badan oo aan loo baahnayn.
hadalyaqaan  H. ah: qof cod kar ah.
hadar  1. Qof jirran ama waalan hadal aan micno lahayn ku hadlid. 2. Wax runta ka fog ku faanid.
haddaayey  Goor dhoweyd.
haddee  Sidaas darteed; haddaba.
haddid1  ld haddidid. haddid2  Cid cabsi gelin. ld handad². haddidaad  Hadal ama ficil cid lagu cabsi gelinayo. ld haddidid.
haddidid  eeg haddid². ld haddid¹, haddidaad, handad¹, handadaad, handadid
haddii  1. Erey lagu xiriiriyo weer shardiley ama waqtiley ah. Tus. “Haddii aad dersiga akhrin lahayd, imtixaanka waad ku gudbi lahayd”, “Haddii Warsame yimaado, farriintayda gaarsii”. 2. H. kale: haddii sidaas aysan noqon.
hadee  1. Qof dhintay quraan u akhrin. 2. Digsi dabool saarid.
hadeec1  Socod luudid ah oo nafley aad u tamar yari socoto. ld hudeec¹. hadeec2  Nafley aad u tamar yar luudid. ld hudeec². hadeecid  eeg hadeec². ld hudeecid.
hadeyn  eeg hadee.
hadeysan1  Digsi wax la daboolay noqosho. hadeysan2  Wax la daboolay ahaansho. hadeysmid  eeg hadeysan¹.
hadeysnaan  eeg hadeysan². ld hadeysnaansho.
page : 11 of 93
<< < 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 > >>