Ereyga Maanta: maneysi
haasaawe  1. Sheeko maaweelo leh oo laba qof ama ka badan dhex marta. 2. Sheeko nin iyo naag isku xodxodanaya dhax marta.
haasaawee  1. Cid sheeko maaweelo leh u sheegid. 2. Nin iyo naag sheeko xodxodasho leh isweydaarsasho. ld haasaawi.
haasaawi  ld haasaawee.
haasaawid  eeg haasow². ld haasow¹.
haasaawin  ld haasaaweyn.
haash  1. Sigaar la cabbay inta ugu dambaysa; gumud. 2. ld qaash.
haashaar  Muuqaal qurux iyo xarrago leh; shoob, mardaadi.
haasow1  ld haasaawid. haasow2  La h.: haasaawe samayn. haatan  Hadda tan la joogo; amminka, hadda.
haati  ld haadi.
haatif  Wax hadalkooda la maqlo oo aan muuqan. ld haatuf.
haatin  ld haadin.
haatuf  ld haatif.
haaw1  Firo, biddo. haaw2  Ciid bidid. haawad  ld haawasho.
haawasho  eeg haawo. ld haawad.
haawey  Dad sabool ah oo ku nool qaraab iyo wixii ay helaan.
haawi  Weel af bannaan dabayl u dhigid.
haawid  eeg haaw².
haawilood  Uurjiifka libaax badeedka.
haawin  eeg haawi. ld haawis.
haawis  1. Hardaf dheer. 2. ld haawin.
haawiya  Naar ka mid ah toddobada naarood.
haawo  1. Weel af bannaan dabayl qaadasho. 2. Si qarsoodi la'aan ah wax u sheegid.
haayid  Nooc kalluunka ka mid ah.
haayir1  1. Col weyn oo hubaysan. 2. Libaax badeed weyn oo dadka cuna. 3. ld haajirid. haayir2  ld haajir². haayirid  ld haajirid.
page : 4 of 93
< 1 2 3 4 5 6 7 8 9 > >>