Ereyga Maanta: hiilley
ismashashuur2  Xishood badan oo ismacnayni ku jirto yeelasho. ld ismashanshuur². ismashashuurid  eeg ismashashuur². ld ismanshashuurid.
ismoodsii  1. (f.g) Wax is gudbin. 2. (f.mg) Wax, wax kale maleyn.
ismoodsiin  eeg ismoodsii. ld is-moodsiis.
ismoodsiis  ld ismoodsiin.
ismoogeysii  Wax la garanyo is-illowsiin.
ismoogeysiin  eeg ismoogeysii. ld ismogeysiis.
ismoogeysiis  1. Wariiri. 2. ld ismoo-geysiin.
ismutux  Meel fagaara ah, keli ahaan fikrad aan lagula qabin isla soo taagid.
ismutuxi  Qof meel aan looga baahneyn isa soo taagid.
ismutuxid  eeg ismutux. ld ismu-tuxis².
ismutuxin  eeg ismutuxi. ld ismu-tuxis¹.
ismutuxis1  ld ismutuxin. ismutuxis2  ld ismutuxid. isnidaamis  Cadho.
isniin  Maalinta u dhexeysa axadda iyo talaadada.
isnoolee  1. Karti iyo firfircooni isu yeelid. 2. Is nafaqay.
isnooleyn  eeg isnoolee.
isnuug  (isnuug, m.dh) 1. Nafley caano leh, oo meeshii laga maali lahaa ama dhashoodu ka nuugi lahayd, iyagu isnuuga. 2. Inta isnuugta (irmaanka iyo dhashooda).
isquudiye  (baay.) Nooca nafaqada ka mid ah uu nooluhu ka sameyo walxo orgaanigga ah ee uu u baahanyahy, kuwaas oo uu ka sameeyo il aan orgaanig ahayn. Dhirta cagaaran oo dhami waa isquudiye, waxaanay ilayska u isticmaalaan il tamareed.
israac  Isutagga laba ummadood iwm ay yeeshaan iyagoo maamul siyaasadeed oo isku mid ah wadaaga.
israaci  1. Wax aad u jecleysasho. 2. Qof dhaawac ah dilid. 3. Qabyo dhammaystirid. 4. Qoryo shidmaya afkooda isugeyn.
israacin  eeg israaci. ld israacis.
israacis  ld israacin.
isrogrog  (nax.) Nadooca ama isrogrogga ku dhaca falka, arrinkaasoo ku xiran: habka, amminka, qofka, tirada iwm. Tus. “Hibaaq way tagtay”, “Hibaaq iyo Cigaal way tageen”.
istaadiyo  Fagaaro loo habeeyey in lagu qabto tartamada ciyaaraha.
istaafilokookaas  (baay.) Qayb ka tirsan kooxda baktiriyada ee garaambositiifka ah. Wuxu leeyahay qaab wareeg oo isugu urura xirmooyin laamaha canabka u eg. Noocyo ka mid ah cudur ma keenaan qaarna waa deris ku nool. Noocyo badanna waxay soo daayaan sun.
istaag1  Taagnaan aan dhaqdhaqaaq lahayn. ld istaagid. istaag2  1. Jirka oo ligan lugaha meel ku hayn. 2. Socod ka joojin ahaasho. istaagan  Wax ligan ahaansho.
page : 37 of 43
<< < 32 33 34 35 36 37 38 39 40 41 42 > >>