Ereyga Maanta: biqil
istareexid  eeg istareex².
istareexsan  Wax istareex ku jiro ahaansho.
istareexsanaan  eeg istareexsan. ld istareexsanaansho.
istareexsanaansho  ld istareex-sanaan.
istebis  (juqr.) Dhul-cawsaadka loolka dhexe, oo ka kooban heer, guud ahaan bannaanada aan dhirta lahayn ee yurayshiya, oo fidsan gobollada hoose ee Danuub, iyo jiid weyn oo ah koonfurta yurub ee midowga soofiyati iyo koonfurta galbeed ee Sayberiya.
isteeg  Xirmo ka kooban toban baakad oo sigaar ah.
isteerin  Bir wareegsan oo dareewilku gacanta ku qabsado oo hadba baabuurka meesha uu doono ugu duwo.
ister  (kiim.) Nooc iskudhis orgaanig ah oo ku samaysma falgal dhexmara asiidh iyo alkohool.
isticmaal1  Adeegsiga shey loo adeegsado waxa lagu qaban karo. isticmaal2  Wax adeegsasho. isticmaalid  eeg isticmaal².
isticmaar  (siyaa.) Hab waddan quwad lehi uu ku xukumo waddan kale aan awood lahayn, isaga oo isticmaalaya kheyraadkiisa, si uu u kordhiyo awooddiisa.
isticmaarsad  ld isticmaarsasho.
isticmaarsasho  eeg isticmaarso. ld isticmaarsad, isticmaarsi.
isticmaarsi  ld isticmaarsasho.
isticmaarso  1. Xukun qasab ah ummad kula kicid iyadoo xaqooda la duudsinayo. 2. Cid addoon-sasho.
istiibiyam  (kiim.) Summad: sb. Bir wiriqle ah midabkeeduna yahay caddaan qalin ah kana tirsan ururka V ee tusaha kalgalka curiyeyaasha. Waxa loo helaa curiye ahaan, ogsaydh ahaan ama salfaydh ahaan (istibnayt, Sb2S3). Culays-atam: 121.75; tiro-atam: 51.
istiil1  Karti iyo dadaal dheeraad ah oo lagu fuliyo hawl qabashadeedu dhib tahay. istiil2  Hawl qabashadeedu dhib tahay karti iyo dadaal dheeraad ah ku fulin. istiilid  eeg istiil².
istijo  1. Biyo yar oo lagu darbado. 2. Nadiifinta la nadiifiyo xubnaha saxarada iyo kaadidu ka timaado.
istijoo  Xubnaha saxarada iyo kaadidu ka timaaddo nadiifin.
istijood  eeg istijoo.
istikhaaro  Salaad sunno ah, soon iyo ducooyin loo sameeyo muraad adkaaday in Eebbe sahlo.
istikhyaar  ld ikhtiyaar.
istiqaalad  ld istiqaalo.
istiqaalo  Qoraal lagu codsanayo xil ka degid. ld istiqaalad.
istiqfaar  Dalbashada Ilaah laga dalbado dembi dhaaf.
istiqfaarasho  eeg istiqfaaro.
istiqfaaro  Istiqfaar samayn.
page : 39 of 43
<< < 34 35 36 37 38 39 40 41 42 43 >