Ereyga Maanta: fitaaxsanaansho
istiqlaal  Madax bannaani; xorriyad.
istiraasho  Cad yar oo mara ah oo wax lagu tirtiro.
istiraatijiyad  1. (siyaa.) Qorshe la qabto si loo gaaro himilo, gaar ahaan siyaasadda, dagaalaha, ganacsiga. 2. (siyaa.) Qorshe xirfadeed in lagu meeleyo ciidan iyo hubka, si loo helo guusha ama faa'idada ugu fiican.
istomata  (baay.) Dalool ku dhex yaallo saytobalaasamka unug nool kaas oo ay ka buuxaan hawo, biyo, dareereyaal kale, dheecaan ama saxaro cunto ah. Unugyada dhirta, had iyo jeer waxay leeyihiin dalool weyn oo keliya, laakiin unugyada xayawaanku inta badan waxay leeyihiin dhowr dalool oo yaryar.
istoy kiyoometri  (kiim.) Saamiga isu beegma ee curiyeyaasha marka iskudhisyadu samaysmayaan ama walxuhu isla falgalayaan.
istraatosfeer  Gibil labaad ee fidsan ilaa 50 km. Heerkulka gibilkani, ugu dhawaan, waa madoorsoome, waana gibilka ku habboon duulimaadyada dayaaradaha dhuundhaska ku shaqeeya.
istroojin  (baay.) Koox hormoonno ah mid ka tirsan, sida: istiriyool, istiroon iyo istradiyool, kuwaasoo suga koridda qaab dumareedka ayagoo horumarinaya koritaanka iyo hawlqabadka xubno jinsiyeedka dumarka iyo qaab jinsiyeedka labaad ee dumarka sida: korista naasaha.
istun  Xus dhaqameed weyn oo ula la isla dhaco oo sanadkiiba mar lagu qabto magaalada Afgooye.
istutus  Wax loo sameeyo halagaa sheego.
istuudiyo  Qol ama ka badan oo wararka, filmada iwm lagu duubo ama lagu keydiyo.
isu ekaansho  Isbarbardhig ama isku ekaansho ka dhexeysa laba shay, taaso isaga mid yihiin hal dariiqo. “Isu-ekeyn” waa marka aad is barbardhigtid laba shay, si aad u sharaxdid ama aad u fahamtid waxa ay yihiin.
isu'eg  (xis.) Laba ama dhowr shaxan oo u kala duwan iskeel ahaan, hase yeeshee qaab ahaan aan u kala duwaneyn. Laba shaxan joometeri waa ay isu egyihiin haddii midkood uu yahay kan kale oo la weyneeyay. Geesooleyaasha isu'eg waxa ay leeyihiin xaglo gudboon oo isle'eg iyo dhinacyo isku aaddan oo saamiggal isu ah.
isu-ekee  (riw.) Jilid; dhaajin.
isudaran  (nax.) Labo curiye oo aan is qaban karin oo midba midka kale aan u oggolaanayn in ay iskula jiraan hal meel.
isudduwe  ld iskudduwe.
isudhigan kiimikeed  culays-isudhigan.
isugee  Laba tiro ama ka badan isku darid.
isugeeye  Gawaad; ruufiyaan.
isugeyn1  eeg isugee. isugeyn2  (xis.) Astaanta +. Xisaabfalka la isugu keeno laba ama dhowr xaddi si ay u sammeeyaan xaddi kale oo lagu maga-caabo wadar. isugeysad  ld isugeysasho.
isugeysasho  eeg isugeyso. ld isu-geysad, isugeysi.
isugeysi  ld isugeysasho.
isugeyso  1. Laba tiro ama ka badan iskudarid. 2. Dhibaato is badid.
isugujoogsasho  eeg isugujoogso. ld isugujoogsi.
isugujoogsi  ld isugujoogsasho.
isugujoogso  Si dhagso leh nafley u gawracid.
isuqaybin  (xis.) Astaanta :. Xisaabfalka labaale ee lagu helo qaybta laba xaddi (tiro). Isuqaybinta waa xisaabfalka weydaarka u ah iskudhufashada.
isutag  1. Is raaca laba dawladood, laba ummadood ama ka badan ay is raacaan iyagoo hab siiyaasi wadaagaya. 2. Galmoodka dhex mara ragga iyo haweenka.
isutallow  (baay.) Isku beddelka qaybo ka mid ah koromo-taydhyada u dhexeeya. Koromosoomyo isku mid ah.
page : 40 of 43
<< < 35 36 37 38 39 40 41 42 43 >