Ereyga Maanta: dambeeto
iftiin2  (fiis.) Sii deynta kaaha ka imanaya walax saxarradeedu nuugeen tamar, iyagoo gaadhaya xaalad kacsan, kaddibna ku noqday xaalad tamar hooseysa markii ay sii daayeen kaaha birlab-danabowga. iftiin3  Wax kaah yeelasho. iftiino  Wakhti si fiican wax loo arki karo oo qorraxdu soo baxayso ama dhacayso.
igaar  (igaar, m.dh) Wiil, kuray, inan.
igar1  Neef irmaan oo aan ilmo lahayn oo la maalo (oo cucub lagu sasabo loo sameeyey). ld eger. igar2  Sac ama hal dhashay si caanihiisa loo wada helo ilmo ka gawricid. igbad  ld igbasho.
igbasho  eeg igbo. ld igbad, igmad, igmasho.
igbay  Doodda laga qabo gar la naqay; racfaan.
igbo  Cid dood u wakiilasho. ld igmo.
igdhasho  eeg igdho.
igdhid  eeg igar².
igdho  Neef igar ka dhigasho.
igifsan  Wax gaaban oo itaal leh ahaansho (nafley).
igifsanaan  eeg igifsan. ld igifsa-naansho.
igifsanaansho  ld igifsanaan.
Iglan  eeg Ingiriiska.
igmad  ld igbasho.
igmasho  ld igbasho.
igmo  ld igbo.
igtishaaf1  Soo saaridda wax cusub oo aan hore loo arag ama loo aqoon. igtishaaf2  Wax cusub oo aan hore loo arag ama loo aqoon soo saarid. igtishaafid  eeg igtishaaf².
ihaanee  Cid ihaano u geysasho.
ihaaneyn  eeg ihaanee.
ihaano  Hadal xun oo cid sharafteeda wax lagu yeelo, meelkadhac.
iib  Kala gadashada laba wax ama ka badan la kala gato.
iibgee  Wax meel lagu iibsado geyn.
iibgeyn  eeg iibgee.
iibi  Lacag badeeco ku beddelid.
page : 6 of 43
< 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 > >>