Ereyga Maanta: marjiid
ijaaro1  ld ijaar¹. ijaaro2  Guri, baabuur iwm ijaar ka qaadasho ka baxsasho. ijaaso  1. Idan, fasax. 2. Aqoonsi diimeed ee uu sheekha dariiqadu siiyo xertiisa qaarkeed.
ijbaar  Qof wax ku qasbid.
ijbaarid  eeg ijbaar.
ijmaac  1. Kulan fikradeed oo shuyuukh-da waaweyn ee madaahibta Islaanka isku raaceen. 2. Midka saddexaad ee afarta addilo oo diinta Islaanka loo cuskado.
ijtihaad1  1. Arrin sharci ah oo aan quraanka iyo xaddisku ka hadlin oo ra'yi qof mujtahid ahi leeyahay lagu meel-mariyo. 2. Dadaal badan. ijtihaad2  1. Arrin sharci ah oo aan quraanka iyo xaddisku ka hadlin ra'yi qof mujtahid ahi leeyahay ku meel-marin. 2. Ku i.: dadaal badan muujin. ijtihaadid  eeg ijtihaad².
ijtimaaci  Hanti bulshadeed.
ikaynoodeermaata  (baay.) Faylam wanqaran gacaneed laf dhabarla' ah oo had iyo jeer leh shan fallaadhood oo unugyo badanley ah, kuna nolol degaan badeed. Tusaale ah: kalluun xiddigeed. Faylamkani ma laha madax iyo habdhis dareenwade.
ikhtilaaf1  Isweydaar; ismaandhaaf; heshiis la'aan. ld iskhilaaf¹. ikhtilaaf2  Isweydaarasho; isku diidid (arrin). ld iskhilaaf². ikhtilaafid  eeg ikhtilaaf². ld iskhilaafid.
ikhtiraac1  Hindisaad. ikhtiraac2  Wax hindisid. ikhtiraacid  eeg ikhtiraac².
ikhtiyaar  Madax-bannaani iyo awood loo lahaado wax la doonayo in la sameeyo. ld istikhyaar, khiyaar.
ikhwaan  Walaalnimo diineed.
ikhyaar1  Qof kulansaday garaad wacan iyo anshax wanaagsan. ld aqyaar¹. ikhyaar2  Bulsho dadka madaxda u ah ee taladeeda gooysa. ld aqyaar². ikhyaarayn  eeg ikhyaaree. ld aqyaarayn.
ikhyaaree  Arrin, xaajo iwm ka odayeyn ld aqyaaree.
ikhyaarnimo  Ikhyaar ahaansho. ld aqyaarnimo.
ikooloji  Barashada xidhiidhada ka dhexeeya noolaha iyo degaankiisa dabeeciga ah, ha noolaado ama yaanu noolaan. Sababtaa awgeedi koolajiya-hannadu waxay bartaan noolayaasha marka laga eego dhinaca tirada dadka iyo beelaha, kuwaas oo ay isku kooxayn karaan iyo habdhisyada degaan ee ay ka qayb qaataan.
il  1. (indho, m.l) Xubinta aragga. 2. Meel biyo ka soo burqadaan. 3. Siriq. 4. Kartida ishu cid wax ku yeeli karto (senen); dhabato. 5. Dabool iniinaha badarka kor kaga dhegsan. 6. Dhul bannaan oo kaymo hareeraha ka xigaan.
il aragtay  (c.cimi.) Fogaanta ugu dheer ee walax kaga arki karto “isha qaawan” ee fiirsade, oo lagu sheego mitirro (waarar) ama kiloomitirro (maylal).
il-adag  ld il-adayg².
il-adayg1  Dhiirranaan iyo gabbasho la'aan uu qof leeyahay. ld il-adkaan. il-adayg2  Wax si cabsi iyo gabbasho la'aan ah ugu dhiirrasho.
page : 9 of 43
<< < 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 > >>