Ereyga Maanta: fitaaxsanaansho
ibamar2  Hal irmaan afarta naas ka marid. ld ibamaryee. ibamarad  ld ibamarasho.
ibamaran  Wax la ibamaray ahaansho (hal irmaan). ld ibamaryeysan.
ibamarasho  eeg ibamaro. ld ibamarad, ibamaryeysad, ibamaryey-sasho, ibamaryeys
ibamarid  eeg ibamar². ld ibamar-yeyn.
ibamarnaan  eeg ibamaran. ld ibamarnaansho, ibamayeysnaan, iba-maryeysnaansho.
ibamarnaansho  ld ibamarnaan.
ibamaro  Hal irmaan afarta naas ka marasho. ld ibamaryeyso.
ibamaryee  ld ibamar².
ibamaryeyn  ld ibamarid.
ibamaryeysad  ld ibamarasho.
ibamaryeysan  ld ibamaran.
ibamaryeysasho  ld ibamarasho.
ibamaryeysi  ld ibamarasho.
ibamaryeysnaan  ld ibamarnaan.
ibamaryeysnaansho  ld ibamarnaan.
ibamaryeyso  ld ibamaro.
ibamaryo  ld ibamar¹.
ibarmid  ld ibamarid.
ibayar  Hal naasa yaryar.
ibayaro  Yaraanta naasaha iyo ciriiriga caanamareenka ee ay hal yeelato
ibdar  1. Caano yar oo dhowrto ahaan la isugu daro. 2. Xoolaha markay dararaan oo uu naaskoodu gaaro xoorka caanaha. 3. Dhaawac gaara caanamareenka naaska oo ay candhadu caanaha ceshan weydo.
ibi  (c.nafl.) Mandheerta haweenka. ld ebi¹.
ibidimooloji  (daaw.) Barashada cudurrada sida dhakhsaha leh u fida dad badanna mar ku wada dhaca si loo garto habkii loo joojin lahaa ama loo hakin lahaa iyo habkii looga hortagi lahaa mustaqbalka. Ma aha cudurrada la is qaadsiyo keliya waxa ku jira cudurro kale oo bey'adda la xiriira: kansarka, cudurrada wadnaha iwm.
ibitiiliyam  (baay.) Nudo laga helo lafdhabarleyda oo ka samaysan unugyo aad isugu cufan oo ay u dhexeeyaan walax unug-gudeed ahi. Waxay samaysaa xuubka sare ee ku wareegsan jidhka iyo gidaarka moqorrada gudaha. Waxa kale oo ay sameysaa qanjidhada iyo qaybo ka tirsan organnada dareenka. Shaqooyinkooda waxa ka mid ah: ilaalin, nuugid, dhiiqid iyo dareen.
ibliis  Uun xun oo dadka duufsada oo xumaanta iyo wixii Ilaah lagaga dheeraanayo u horkaca.
ibriiq  Weel ka samaysan macdan, naxaas dhoob iwm oo af dhuuban, dhegdheer iyo dabool leh oo shaaha lagu karsado ama lagu shubto; kirli; jalmad.
ibtilee  Dhibaato daran cid gaarsiin. ld ebtilee.
ibtileyn  eeg ibtilee. ld ebtileyn.
ibtileysan  Wax ibtilo ku dhacday ahaansho ld ebteleysan.
page : 2 of 43
< 1 2 3 4 5 6 7 > >>