Ereyga Maanta: iimee
ibtileysnaan  eeg ibtileysan. ld ebteleysnaan, ebteleysnaansho, ibtileys-naansho.
ibtileysnaansho  ld ibtileysnaan.
ibtilo  Dhib weyn. ld ebtilo.
ibtiloobid  eeg ibtilow.
ibtilow  Ibtilo la kulmid.
iclaan  War la sheego oo aad loo faafiyo oo dadka la wada garsiiyo; ogeysiis.
icraab1  (nax.) Dhismaha qaybaha naxwe ee ay weeri ka koobantahay. icraab2  (nax.) Qaybaha naxwe ee ay weer ka koobantahay sheegid. ld icraabi. icraabi  ld icraab².
icraabid  eeg icraab². ld icraabin, icraabis¹.
icraabin  ld icraabid.
icraabis  ld icraabid.
ictikaaf1  Fadhi masaajidka gudahiisa muddo la fariisto oo cibaado loo niyoodo. ictikaaf2  Cibaado awgeed masaajid ku raagid ictikaafid  eeg ictikaaf².
ictikaafsan  Wax ictikaaf ku jira ahaansho.
ictikaafsanaan  egg ictikaafsan. ld ictikaafsanaansho.
ictikaafsanaansho  ld ictikaafsanaan.
ictiqaad1  Rumaysnaanta wax waxtarka uu leeyahay ama wax yeeladiisa. ictiqaad2  Diin, mabda' iwm aaminid. ictiqaadid  eeg ictiqaad².
ictiqaadsan  ld citiqaadsan.
ictiqaadsanaan  ld citiqaadsanaan.
ictiqaadsanaansho  ld citiqaadsanaan.
ictiraaf1  Aqoonsi, cid wanaaggeeda loo aqoonsado. ictiraaf2  Cid wanaaggeeda aqoonsasho. ictiraafid  eeg ictiraaf².
ictiraafsan  Wax, wax wanaaggiisa aqoonsaday ahaansho (qof).
ictiraafsanaan  eeg ictiraafsan. ld ictiraafsanaansho.
ictiraafsanaansho  ld ictiraafsanaan.
page : 3 of 43
< 1 2 3 4 5 6 7 8 > >>