Ereyga Maanta: marjiid
jacjacid  eeg jacjac².
jacjacle  1. (bot.) Geed-gaab laan laan u baxa, qodax lahayn, udgoon, weelasha lagu cusho oo arigu daaqo. 2. (daaw.) Jirro dadka madaxa ka bararisa.
jacjaclee  Shanqar yar oo isku xigta samayn.
jacjacleyn  eeg jacjaclee. ld jac-jacleys.
jacjacleys  ld jacjacleyn.
jacjuun  Qof aan bulshay ahayn oo aan furfurnayn.
jacsan  Ku j.: wax la samaynayo ku raali ahaansho. Tus. “Cali xilkaas in uu qabto kuma jacsana.”
jacsanaan  eeg jacsan. ld jacsa-naansho.
jacsanaansho  ld jacsanaan.
jactad1  1. Muuqaalka uu yeesho dhar iwm oo aan si fiicanu kala fidsanayn; canbus, canyayuub. 2. Garaawshiinyo ama oggolaansho la'aan; muran foolxun. jactad2  1. Dhar iwm si xun u laallaabmid. 2. Hadal jactad ah ku hadlid; asaraarid. jactadan  Wax jactaday ahaansho.
jactadi  Dhar iwm jactad ka dhigid.
jactadid  eeg jactad².
jactadin  eeg jactadi.
jactadnaan  eeg jactadan. ld jactad-naansho.
jactadnaansho  ld jactadnaan.
jadbaysan  ld jid-baysan.
jadbaysnaan  ld jidbaysnaan.
jadbaysnaansho  ld jidbaysnaan.
jadbo  ld jidbo.
jadboo  ld jidboo.
jadeeco1  Cudur lays qaadsiiyo oo badanaa carruurta ku dhaca; wuxuu leeyahay qandho kulul iyo qumankoo barara oogadana waxaa ka soo yaaca nabarro iyo finan badan. jadeeco2  (daaw.) Cudur aad la isu qaadsiiyo oo uu keeno fiirus, wuxuu u badanyahay in uu ku dhaco carruurta, labadii sano ama saddexdii sano mar ayuu noqdaa safmar. Astaamo: calaamadaha dureyga oo ay weheliso qandho aad u sarreysa baro yaryar oo cas-cas oo dhexda caddaan ku leh (balihii Koblik) iyo canka gudihiisa ka soo baxa. Finan cascas ayaa ka soo baxa marka hore dhegaha xaggooda dambe, wajiga iyo jirka oo dhan. jadeemad  ld jadeemid.
jadeemid  eeg jadeen². ld jadeemad.
jadeen1  1. Cida bahallada qaarkood sida libaaxa iwm. 2. Reen. jadeen2  1. Bahal libaax iwm reemid. 2. Nafley taahid. jadeer  1. (bot.) Nooc ka mid ah geedgaabka oo laamo dhuudhuuban iyo caleemo balballaaran leh oo aan qodax lahayn. 2. Socod dheer.
jadeerwac1  1. ld jadeerwicid. Aadista meel aad u fog la aado. 2. Oggolaansho la'aan. 3. Naxariis, jixinjix.
page : 7 of 53
<< < 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 > >>