Ereyga Maanta: fitaaxsanaansho
jadeerwac2  1. Meel aad u fog aadid. 2. Wax diidid. 3. Cid u jixinjixid. jadeerwacad  ld jadeerwacasho.
jadeerwacasho  eeg jadeerwaco. ld jadeerwacad.
jadeerwaco  1. Meel dheer socod ku tegid. 2. Wax diidid.
jadeerwicid  eeg jadeerwac². ld jadeerwac¹ (2).
jadhaabalaf  ld jidhaabalaf.
jadiin  1. ld jidiin. 2. Cunto.
jadwal  Qorshe ammineed muujinaya sida hawl loo fulinayo.
jaf1  1. Garaac; tumid. 2. Qolofta geedaha laga jafto (inta la gargaraaco). 3. Orod u eg wax la ganay; kuddo; fag. jaf2  1. J. dheh: daf dheh; la bood; fag dheh. 2. J. ka sii: ka daf, ka dhifo. jaf3  1. Gogol iwm boor ka duulin. 2. Geed si qolofta looga goosto garaacid. 3. Geed garaacid ama ruxid si mirihiisi ay u soo daataan. jafaal  1. Dubka kore ee dhirta qaarkeed, laga jafo. 2. Nin lixaad weyn; tiirri.
jafaali  Wax si xoog leh uga dhifasho; uga dafid.
jafaalin  eeg jafaali. ld jafaalis.
jafaalis  ld jafaalin.
jafaan  Qalab bir ah ama wax kale, oo geedaha xijiga oo irmaan lagu sarsaro.
jafal  Iniinaha bunka, kolka ay dhanyihiin oo beerkii ku gudajiro.
jafaliil  J. ah: wax aan qaab wannaagsan lahayn; foolxun.
jafaliile  Shayddaan; indhaxamil.
jafan  La jafay.
jafasho  eeg jafo.
jafeeco  (bot.) Nagaar weyn oo weligi si hunbulan u baxa; wuxuu bixiyaa ubax cillaan ah oo aad u qurux badan.
jafid  eeg jaf³.
jafjaf1  1. Dhul dulla ah oo dhaguxu ku badan yahay, leh dhir badan oo geed-gaab ah mariddeeduna adagtahay. 2. Qolof, jilif iwm oo geedo laga soo guray. jafjaf2  1. Qolof, jilif iwm geed ka ridid. 2. Gogol iwm boor ka duulin. jafjafid  eeg jafjaf².
jaflayn  eeg jaflee.
jafle  1. Xoolo lugaha dambe oo wax lagu haraatiyo, siiba lo'da la lisayo oo kirtanka badan. 2. Miraha ceerinka marka ay qallalaan.
jaflee  Xoolo jafle samayn.
jafnaan  eeg jafan. ld jafnaansho, jafni.
page : 8 of 53
<< < 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 > >>