Ereyga Maanta: garbis
jahaysnaansho  ld jahaysnaan.
jahayso  1. Doc aadid. 2. Qof dhimasho. ld jihayso.
jahee  Qof jaho aadsiin. ld jihee.
jahli  Aqoon la'aan.
jaho1  1. ld jiho 1. Afarta qiblo midkood. 2. Doc; gees; dhinac. jaho2  1. ld jiho 2: wax uun ku dhaqaaqid. 2. Xanuun la ledi waayid. jajab1  1. Xanuun murqaha ku dhaca. 2. Dhacaan cayayaanka qaarkood ka yimaada oo markuu jirka gaaro lagu xajiimoodo. 3. Wax burburay gobol ka mid ah. 4. Dildillaac ku dhaca oogada siiba bishimaha iyo cagaha oo qabowga badani keeno. 5. Lacagta inteeda aan xaashida ahayn. 6. Dahab aan saafi ahayn. jajab2  (xis.) Tiro aan hal dhammayn, oo la qaybiyey midkeed. jajab-caadi  (xis.) Jajabka sarreyehiisa iyo hooseeyehiisuba ay yihiin abyooneyaal, waa tiro u qoran qayb ahaan sida a, a waa sarreeye, b-na waa hooseeye. Waxa kale oo lagu magacaabaa jajab fudud.
jajabe  (c.nafl.) Cayayaan u eg ukun yar, cad, leh qodxo yaryar soo taagtaagan oo qofkii ay ku jabto gaarsiisa dhibaato.
jajabow  Xanuun qabatin yaryar leh oo ku dhaca haweenka uurka leh marka sidkoodu soo dhowaado.
jajuub1  Qasbidda qof wax uusan raali ka ahayn lagu sandulleeyo. ld jujuub¹. jajuub2  Qof wax uusan raali ka ahayn ku sandullayn. ld jujuub². jajuubid  eeg jajuub². ld jujuubid.
jakac  Nooc ka mid ah xaskusha.
jal1  1. ld jaq 1. Caano yar oo ilmaha yaryar la siiyo. 2. J. ah: cunug aan si fiican u korin nafaqo yari darteed. 3. Dabbidka yar ee la siiyo qof aad u jirran; jeenan. jal2  Carruur nafaqo xumo darteed la caatoobid. jala'  Eray uu ku dhawaaqo qof leh xilladda ciyaar dubnadeed oo aan haysan dhagax uu geliyo; mahayo.
jalaabuud  Magacyada derejooyinka daraawiishitii Sayid Max'd Cabdulle Xasan mid ka mid ah.
jalaal1  1. Ganaax lagu xukumo qof dembi yar galay. 2. Kitaab Quraan ah sharrax leh. jalaal2  Cid dembi gashay ganaaxid. jalaalaq  Dhaca labaad ee meel hore loo dhacay lagu sameeyo.
jalaalaqayn  eeg jalaalaqee.
jalaalaqee  Meel hore loo dhacay mar labaad dhicid.
jalaalaqo  Hantida laga helo meel hore loo dhacay.
jalaalid  eeg jalaal².
jalaato  Waxyaabo macmacaan oo laysku daray oo inta la qaboojiyo markay fariistaan la muudmuudsado ama la leefleefo.
jalabbutayn  eeg jalabbutee.
jalabbute  1. Shir aan la fadhin ee dadku yoobsanyihiin. 2. Socod raaxaysi iyo majabaxsi looga jeedo oo hadba meel la habshahabsheeyo. 3. Ciyaar socod iyo boodbood leh.
jalabbutee  Jalaabu-te samayn.
page : 10 of 53
<< < 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 > >>