Ereyga Maanta: maneysi
jaamacad  Xarun waxbarasho oo cilmi sare laga barto una qaybsan kulliyado.
jaamayn  eeg jaamee.
jaamee  1. (f.g) Kab cid la dhicid. 2. (f.mg) Iyadoo cagaha iyo sacabbada laga shanqarinayo ciyaar dheelid. 3. (f.g) Jaamo ka dhigid: cad cad ka dhigid.
jaamici  Qof ay u dhammaatay waxbarasho jaamacadeed.
jaamojoog  (c.nafl.) Shimbir midabbo badan, lugo dhaadheer iyo luqun dheer leh oo durdurrada iyo biyo-fariisiyada ku nool.
jaamuus  1. Lo' gisi. 2. Kabo raggu qaato adag, saan geri ka samaysan oo marka lagu socdo dhawaaqa.
jaan  Uun rooxaan ah oo aan aadamuhu arki karin; jinni.
jaan1  1. Caano geel oo aad u dhanaan. 2. Biyo kharaar oo dhano ah. 3. Ciid dhanaan; carro seel. 4. Caws aan loo baahnayn oo dalagga la soo baxa. jaan2  1. Cad yar oo saan ah oo loo jaray qaab kabeed. 2. Meel bannaan. 3. Gabal yar oo shay ah. 4. Kab dhammaatay. 5. Naqshad farsamo. 6. (muus.) Ridmada sacabka iyo lugaha laga sameeyo marka ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka la ciyaarayo. jaandheer  Ciyaaraha jiibta iyo jaanta leh oo la dheelo mid ka mid ah.
jaangeri  Kabaha laga sameeyo maqaarka geriga.
jaango'an  Ku j.: wax, wax kale la cabbir ah ahaansho.
jaango'naan  ld jaango'naansho.
jaango'naansho  eeg jaangoo. ld jaango'naan.
jaangoo  1. (f.g) Wax qorshaysan samayn. 2. (f.mg) Ku j.: wax, wax kale ka simid. 3. (f.g) Kabo jaan u samayn.
jaangooyo  1. Qorshe habaysan oo la raaci karo. 2. ld jaangooyn.
jaangoyn  eeg jaangoo. ld jaangooyo (2).
jaanguur  Wax dabar go'id.
jaanguuri  Wax dabar goyn.
jaanguurid  eeg jaanguur.
jaanguurin  eeg jaanguuri. ld jaanguuris.
jaanguuris  ld jaanguurin.
jaanqaad1  1. Qaadidda tallaabada shanqarta ka yeerta (qof kabo qaba). 2. Saanqaad; socod. 3. ld jaanqaadid. jaanqaad2  1. Qaadista tallaabada, shanqar ka yeersiin (qof kabo qaba). 2. Saanqaadid; socosho. jaanqaadid  eeg jaanqaad². ld jaanqaad¹ (3).
jaanrog  Cararid.
jaanrogid  eeg jaanrog.
jaansaar1  Saaridda kabo duug ah la saaro jaan cusub. jaansaar2  Kabo duugoobay sar cusub saarid. jaansaaran  Kabo jaan cusub la saaray ahaansho.
page : 3 of 53
< 1 2 3 4 5 6 7 8 > >>