Ereyga Maanta: hadoodil
k  (ka') Xarafka kow iyo tobnaad ee alifka soomaaliga, waana shibbane. ld kaaf.
ka1  bbane. ldkaaf. ka¹ mu.ti.l (kuwa, w) Magacuyaal tilmaame oo lab, oo wax ama cid hadlaha u dhow lagu tilmaansado. Tus. “Ka yimid waa Cali”. ld kan(2). ka2  Qurub lagu isticmaalo falka bidixdiisa ama hortiisa : a) qurub la xiriira meesha laga dhaqaaqay ama wax laga qaaday. Tus. “Balcad ayuu ka yimid”, “Qalin ayuu jeebkiisa ka soo bixiyay”, “Tuulo ka tuulo ayuu nastaa”; b) qurub barbardhigid loo isticmaalo. Tus. “Marka waxaa ka weyn Xamar”; c) qurub la xiriira meel uu fal ka dhacay ama laga gudbayo. Tus. “Kooxdan buu ka cayaarayaa”, “Halkaas buu guri ka dhisay”, “Waddada buu ka tallaabay”. ka3  Qodob magaca lab dib loogu qodbo si looga dhigo wax cayiman. Wuxuuna raacaa magacyada lab oo ku dhammaada b, d, f, l, n, r, s (sh). Qodobkaa waxaa ka farcama: -ga, -ha, -a oo raacaan magacyada kale ee labka ah. Tus. “ nin+ka->ninka, buug+ka->buugga”. ka-faa'iideyste  (daaw.) Jeermiyo ka-faa'iideysta xaalad bukaan oo difaaca jirku dhimmanyahay. Difaac la'aanta oo ay keeni karto: infekshin cudurro kale ama dawo jeermiyada ka-faa'iideystayaasha sida badan jirro uma keeni karaan qof caafimaad qaba.
ka-goys  Ka-g. ah: weyl, nirig iwm oo naaska hooyadood ka go'ay.
kaa1  ld kaas(1) kaa2  Magacuyaal layeele oo tilmaamaya qofka labaad ee kelida ah. Tus. “Cali wargeyska ayuu iiga kaa qaatay”. kaa3  ld kaaga(2). kaa4  ld kaas(2). kaab  Wax xoojin.
kaabad  1. Dhismo yar oo dhulka ka kacsan. 2. Buundo.
kaabi  1. Kab yar oo falag ah oo derinta afka looga tolo. 2. (fk) Meel aad u dhaw. 3. (-iyo, m.dh) Qoryaha ceelka afka laga saaro midkood; raar; xakab.
kaabid  eeg kaab.
kaabsol  ld kaabsul.
kaabsul  Xuub qira yar oo daawo buda ahi ku jirto oo afka laga qaato. ld kaabsol.
kaabul  Qof ciidanka qalabka sida ka tirsan oo laba alif leh.
kaad1  1. Irridda aqalka xaggiisa gudaha. 2. Labada udub oo aqalka irriddiisa ku mudan midkood. kaad2  Habeen aan dhaxani jirin. kaadar  Qof loo diyaariyey maamul ama hoggaan siyaasadeed. ld kaadir.
kaaddhal  Marcurad.
kaaddhalnimo  Kaaddhal ahaansho.
kaadi  U k.: hawl, arrin iwm oo la fulin lahaa in yar dib u dhigid.
kaadi1  Dareere kelyuhu dhiigga ka soo miiraan oo isugu soo urura kaadihaysta kana soo gudba dhuunta kaadimareenka. kaadi2  (baay.) Dareere biyo ah oo ay sameeyaan organnada qashinsaarka ee xayawaanku, si ay ugu saaraan qashinka ka soo hadha dheefsashada. Xayawaanka sare, kaadida waxa soo saara kelyaha, waxa lagu keydiyaa kaadi haysta, waxaana laga qashinsaaraa kaadimareenka ama koloykaha. Marka laga reebo biyaha, waxyaabaha ugu muhiimsan ee ay kaadidu ka koobantahay waxa ka mid ah: maxsuulka dheefsashada naytroojiin oo ah yuuriyo, amuuniya, asiidha yuurik iyo kiritaniin iyo ayoonno aan orgaanik ahayn. kaadi3  Kaadi sii deyn. kaadi dhiigow  Kaadida oo dhiig soo raaco.
kaadi-ku-ceshoomid  (daaw.) Kaadida oo soo bixi weyda oo ku ceshoonta kaadi haysta.
kaadi-taran  Organ wada qaba habdhisyada taranka iyo kaadi mareenka.
kaadi-yaro  (daaw.) Sameynta kaadida oo si aan caadi ahayn u yaraata.
page : 1 of 73
1 2 3 4 5 6 > >>