Ereyga Maanta: garbis
kaas2  Dibkabe tilmaame oo magac lab dib looga qodbo, oo wax ama cid hadlaha ka fog lagu tilmaansado. Tus. “Dukaankaas Cali baa leh”. ld kaa4. kaashad  eeg kaasho. ld kaashi.
kaashi  ld kaashasho.
kaasho  Hawl wax u adeegsasho.
kaatun  ld kaatuun.
kaatuun  Shay ka samaysan badanaa macdan qaali ah oo qurux darteed faraha gacmaha loo gashado; marwad, faraati, fargashi. ld kaatun.
kaawi1  1. ld kaawiyad. 2. Qoray lagu calaamadeeyo meelaha shabaagta la dhigo. kaawi2  Shay adag mid ka jilicsan ku garaacid. kaawin  eeg kaawi².
kaawiyad  1. Aalad dhuxul ama koronto kululeyso oo dharka la marmariyo, si jactadka looga bi'iyo. 2. ld kaawi¹.
kaawiyadayn  eeg kaawiyadee.
kaawiyadee  Wax kaawiyad jactad kaga bi'in.
kaawiyadeysan  Wax la kaawiyadeeyay ahaansho.
kaawiyadeysnaan  eeg kaawi-yadeysan. ld kaawiyadeysnaansho.
kaawiyadeysnaansho  ld kaawi-yadeysnaan.
kaawo  Meesha laga qodo dhagaxa, guruuraxa, ciidda iwm oo wax lagu dhiso.
kaay1  Meel wax lagu qariyo. kaay2  Wax qarin. ld kay³. kaayaga1  (kuwayaga, w) magacuyaal lahaansho oo lab ah oo tilmaamaya wax annagu (qofka koowaad ee wadarta ah oo kuwa lala hadlayaa aynan ku jirin) aanu leenahay. Tus. “Baabuurkiinna, kaayaga ayaa ka weyn”. ld Kayaga¹. kaayaga2  Dibkabe lahaansho oo tilmaamaya wax annagu (qofka koowaad ee wadarta ah oo kuwa lala hadlayaa aynan ku jirin) aanu leenahay. Tus. “Dalkaayaga ayaa ka ballaaran dalkiinna”. ld kayaga2, kaayo², kayo². kaaye  Meerto; kal; miile.
kaayeysasho  eeg kaayeyso. ld kaayeysi.
kaayeysi  ld kaayeysasho.
kaayeyso  Wax ku kaltamid.
kaayid  eeg kaay², kay³.
kaayo1  Magacuyaal layeele oo tilmaamaya qofka koowaad ee wadarta ah, oo kuwa lala hadlayaa aysan ku jirin. Tus. “Waa isku kaayo mid”. ld kayo¹. . kaayo2  ld kaayaga². kaaysasho  eeg kaayso.
kaayso  Wax meel ku qarsasho.
kab1  1. Qoryaha laf jabtay lagu xiro si ay isu qabsato. 2. In yar oo maro, bir, qoray ah oo wax jabay ama duleeshamay lagu awdo. 3. ld kabid.
page : 6 of 73
< 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 > >>