Ereyga Maanta: mijarroorsanaansho
kab2  Jaamo harag, caag iwm ah oo inta laysku toltolo, cagaha la gashado. ld kob (4). kab3  Wax kala jabay ama kala go'ay kab ku xirid. kabaab  Hilib shiidan oo dhir lagu daray oo inta la kuuskuuso la shiilo.
kabaabyee  Meel jirka ka mid ah dareenka ka qaadid.
kabaabyeyn  eeg kabaabyee.
kabaabyeysan  Wax kabaabyo hayso ahaansho.
kabaabyeysnaan  eeg kabaabyeysan. ld kabaabyeysnaansho.
kabaabyeysnaansho  ld kabaabyeys-naan.
kabaabyo  1. Dareen beelidda ku dhacda meel jirka ka mid ah. 2. Daawo la qaato oo jirka ka lumisa dareenka.
kabaabyoo  Kabaa-byo dareemid.
kabaabyood  eeg kabaabyoo.
kabaal  1. Summad geela lagu dhigto oo ah udub kor u jeeda oo meela kala duwan lagu dhigo; udub. 2. Kal xoog leh oo awrta marka la dhaaminayo la isticmaalo.
kabaay  Xirmo hal ah oo hal mar qof qaado.
kabacad  Dhallinyaro rag iyo dumarba leh oo tumasho u banbaxday.
kabacaddayn  eeg kabacaddee.
kabacaddee  Tumasho u go'doomid.
kabadhige  Qori jilicsan oo kabaha marka la tolayo hoos looga dhigo.
kabajaa  Xasharaadka duula nooc ka mid ah oo ayaxa isku bahyihiin. ld kabajaan, kobojaa.
kabajaan  ld kabajaa.
kabalafuq  Roob aan badnayn oo rayskiisu ku egyahay inta kabta soo raacda; kablakac.
kaballeef  Qof liidnimo darteed wax kasta oo dadnimada ku xun u hoggansama; kabaqaad.
kaban1  (muus.) Alaabaha muusikada nooc ka mid ah. ld kaman. kaban2  Wax la kabey noqosho. kaban3  Wax la kabay ahaansho. kabaqoys  Geed nagaar dhulka ku fida, leh caleemo yaryar oo biyo ka buuxaan oo markii lagu istaago kabaha qooya.
kabar1  1. Janfar, jeefaar; dhalfo. 2. Qalab qori ama bir ka sameysan lehna albaab iyo khaanado, dharka iwm lagu rito; armaajo. kabar2  Daloolada xanjada ka sameysan ee shinnidu malabka ku keydsato. kabaraad1  Qab weyni dadka ku dhalata marka uu helo maal, wiilal, magac iwm. kabaraad2  Qab weyn muujin, qof yeeshay wiilal, maal, magac iwm. kabaraadid  eeg kabaraad². ld kabaa-radis.
page : 7 of 73
<< < 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 > >>