Ereyga Maanta: jaw
kur3  Wax si siman u goyn. kuraankur  1. Laf wareegsan oo lowga korkiisa ku taal. 2. ld karaankur.
kuraas  eeg kursi.
kuray  Will carruurnimo ka baxay oo aan weli qaangaarin.
kuraysad  ld kuraysasho.
kuraysasho  eeg kurayso. ld kuraysad, kuraysi.
kuraysi  ld kuraysasho.
kurayso  Haweeney kur samaysasho; sagaalaysasho.
kurbayn  eeg kurbee.
kurbaysan  Cid kurbo hayso ahaansho.
kurbaysnaan  eeg kurbaysan. ld kurbaysnaansho.
kurbaysnaansho  ld kurbaysnaan.
kurbee  Cid kurbo ku ridid.
kurbin  Xeero yar oo bunka lagu shubto. ld kur² (3).
kurbo  Dareen, welwel, cabsi iyo tiiraanyo leh oo ka dhasha mushkilad cusub oo cid ku timaadda oo aan maaro loo hayn.
kurboo  U k.: kurbo dareemid.
kurbood  eeg kurboo.
kurdad  Gashi dheer oo haweenku qaataan oo googgaradda qariya; canbuur.
kurdo  Nooc cawska ka mid ah oo beeraha waxyeeleeya.
kureeddo  Suuqada haweenku dhegaha ku qaataan jaad ka mid ah; dhego; hilgado.
kurid  eeg kur³.
kurkurray  Naag jirkeeda si qarsoodi ah uga ganacsata; dhillo.
kurkurraynimo  Kurkurray ahaansho.
kurmaan  (kurmaan, m.dh) Badarka budada ah marka la karinayo kuuska uu yeesho; burlaqan; burtuur.
kurreer  Biyo aan macayn oo culus.
kursi  1. Qalab qaabab badan loo yeelo oo lagu fariisto, lana dhigto guryaha, xafiisyada iwm. 2. Goob loogu talaggalay in ay fariistaan mudanayaal la soo doortay.
kursijiif  Kursi fidsan oo fadhi iyo ku jiifba loo isticmaali karo.
kurtin  ld kurtun.
kurtumeysasho  eeg kurtumeyso.
kurtumeyso  Cududdaha iyo laabta sawirro aan ka go'in ku sawirasho.
page : 69 of 73
<< < 64 65 66 67 68 69 70 71 72 73 >