Ereyga Maanta: marjiid
kuukiyaan  ld kuuki.
kuul1  Iniinyo kulkulucsan oo dhalo iwm ka sameysan, dhexdana ka daloola oo inta dun lagu taxo qoorta haweenku ku xirtaan, si ay ugu xarragoodaan. kuul2  Khad madow indho marin. kuulad  ld kuulasho.
kuulam  (fiis.) Summad: C. Halbeegga Caalamiga ah (H.C.) ee saldanabka danab, waxana loo qeexaa saldanabka uu ku raro hal sekend qulqul danab hal ambiyeer ahi.
kuulan  1. Qof wax indhakuul marsadey ahaansho. 2. Indhaha agagaarkooda madow ku leh ahaansho (sac iwm).
kuulasho  eeg kuulo. ld kuulad.
kuuli  1. K. ah: shaqaalaha dhisme ka shaqeeya oo an farsamayaqaan ahayn. 2. (u) Dad shaqaale ah.
kuulid  eeg kuul².
kuulnaan  eeg kuulan. ld kuulnaansho.
kuulnaansho  ld kuulnaan.
kuulo  Indhakuul marsasho.
kuumi  Lacag sarrif ah oo qiimaheed yahay toban senti. ld kumi.
kuuni1  Wax qiimo dheeraad ah leh oo cidi haysato, cid kale oo u baahan si buunbuunsan u eegto oo ku cawrido. kuuni2  Wax qiimo dheeraad ah leh oo cidi haysato, cid kale oo u baahani ku cawriyid. kuunkuun  Ciyaar ay ilmuhu ciyaaraan.
kuunto  Futo.
kuunyid  eeg kuuni².
kuur1  Kaabi; ag; cimil. kuur2  Cid cabsiin, indho ku gubid. kuurgal1  1. K. ah: qof u kuurgalaya. 2. ld kuurgelid. kuurgal2  U k.: wax si aad ah ugu dhabbagelid. kuurgeli  U k.: cid aan war hayn oo meel aad u dhow u fariisasho si loo ogaado xogta.
kuurgelid  eeg kuurgal². ld kuurgal¹ (2).
kuurgelin  eeg kuurgeli.
kuuri  Wax ku dhowaansho.
kuurid  eeg kuur².
kuurin  eeg kuuri.
kuurkuursad  ld kuurkuursasho.
kuurkuursasho  eeg kuurkuurso. ld kuurkuursad, kuurkuursi.
page : 71 of 73
<< < 66 67 68 69 70 71 72 73 >