Ereyga Maanta: gur
kabbo2  Caano, biyo iwm in cantuugo ka yar kol afka ku qaadid. kabboo  Kabbo sameyn.
kabbood1  eeg kabboo. kabbood2  Lebbis qaab shaati leh qariya qoorta ilaa lawga, qaro uu dhaxanta ku celiyana leh. kabboosho  In yar oo caano, biyo iwm ah oo mar afka lagu qaado.
kabco  (dii.) Dhismo muqaddas ah oo muslimiintu u jiheystaan markay tuka-nayaan, oo Maka ku yaal. ld kacbo.
kabee  Cid kab ku garaacid.
kabeebey  Ciyaar dhaqameed ragga iyo dumarku wada ciyaaraan, leh durbaan, jiib iyo jaan oo laga ciyaaro gobollada koonfureed.
kabid  eeg kab³. ld kab¹ (3), kabniin.
kabiir  Arday horjooge u ah arday Quraan.
kabixis  K. ah: nafley xoog yaraatay qabow awgiis.
kablakac  1. K. ah: qof aan aad u fekerin. 2. K. ah: rayska kabta raaca.
kable  Caleen dhul-beereedka ka baxda oo inta la kariyo soorta lagu iidaamo.
kabmid  eeg kaban².
kabnaan  eeg kaban³. ld kabnaansho.
kabnaansho  ld kabnaan.
kabniin  ld kabid.
kabo  1. (f.g) Wax jabay kabniin ku samaysasho. 2. (f.mg) Ka k.: dhibaato cid ku dhacday ka barbixid.
kabrar1  1. Roobka badan ee da'a marka guga roobyaraan looga baqayo xilligii dhammaado. 2. Xalxal; barar. kabrar2  Nabar caalirid. kabrarid  eeg kabrar².
kabrarro  Geed quwaax gaaban, xagarka u eg oo leh asal wanaagsan. ld gabrar.
kabriid  Qoryo yaryar oo afka baaruud ku leh, oo markii meel lagu xoqo deb bixiya; qaraf; tarraq. ld kebriid, kibriid.
kabro  Xeego.
kabsad  ld kabsasho.
kabsar  Nagaar caleemo yaryar oo cunnada lagu udgisto. ld kabsaro.
kabsaro  ld kabsar.
kabsasho  eeg kabso. ld kabsad, kabsi.
kabsi  ld kabsasho.
kabsid  1. Midiidinka liita oo kabaha dadka u qaada; kabaqaad. 2. Qof aan ra'yigiisa ku meel mari karin oo had iyo jeer cid ku tiirsan.
page : 10 of 73
<< < 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 > >>