Ereyga Maanta: mijarroorsanaansho
kaadibadshe  (daaw.) Daawo badisa kaadida ayadoo biyo iyo cusbooyin ka soo deyneysa kelyaha.
kaadicaso  1. Cudur lo'da ku dhaca oo shilintu keento midabka kaadiduna guduud ka dhiga. 2. Cudur kelyaha dadka ku dhaca oo kaadida caseeya.
kaadidhiig1  Cudur dadka ku dhaca oo laga qaado biyaha wasakhda ah ee fadhiya, kaadidana dhiig ka dhiga. kaadidhiig2  (daaw.) Cudur dalalka cimilada kulul laga helo oo uu keeno deris-ku-noolka “bilharzia”. Ukumaha deris ku noolka oo soo raaca saxarada ama kaadida qofka qaba cudurka, waxay ku koraan bocoolaha ku jira biyaha macaan kuwaaso u sii daaya biyaha deris-ku-nool yaryar ah oo ka galaya jirka qofka ku mayranaya biyahaas. Astaamaha: kaadida oo dhiig soo raaca. kaadigubasho  (daaw.) Xanuun iyo kaadida oo lagu dhibtoodo, waxa badanaa keena holac kaadihays ama holac kaadimaren. ld kaadiqabad.
kaadihays  Xuub adag oo kaadidu ku keydsanto inta aaney ka iman nafleyda.
kaadimacaan  (daaw.) Cudur ay keento shaqo xumo ku dhacda ganaca, kaas oo soo saara insooliin. Insuliinta jidhka ku yaraatana waxay sababtaa sonkorta oo dhiigga ku badata, ka dibna loo qashinsaaro kaadi ahaan. ld kaadimma-caan.
kaadimareen1  Dhuunta kaadidu marto. kaadimareen2  (c.nafl.) Tuyuub laga helo naasleyda, kaas oo ka soo qaada kaadida kaadihaysta oo bannaanka uga saara jidhka. Ragga, kaadi mareenku wuxuu dhex maraa guska, waxaana uu ku dhex xidhan yahay xawo mareenka, sidaa darteed waxa kale oo uu u shaqeeyaa marin xawaduna marto. kaadimmacaan  ld kaadimacaan.
kaadin  ld kaadiyid.
kaadin1  eeg kaadi. kaadiqabad  Cudur dadka iyo xoolahaba ku dhaca oo kaadida ku xira. ld kaadi-qabsasho.
kaadir  ld kaadar.
kaadiraac  K. ah: dhicis yar oo aan cad iyo laf yeelan ee xinjir ah.
kaadiraaci  Dhicis aan cad iyo laf toona laheyn dhicin.
kaadiraacin  eeg kaadiraaci. ld kaadiraacis.
kaadiraacis  ld kaadiraacin.
kaadish  Kaadiyid.
kaadishiil  Cudur keenna kaadida oo qofka gubta.
kaadishir1  1. Fal iyo asmo la akhiriyo si qof kaadidu ugu dhegto. 2. ld kaadishirid. kaadishir2  Fal iyo asmo cid ku akhriyid si kaadidu u qabato. kaadishirid  eeg kaadishir². ld kaadishir¹ (2).
kaadisokorow  ld kaadimacaan.
kaadiyid  eeg kaadi³. ld kaadin.
kaadsad  ld kaadsasho.
kaadsanla'  Sugid la'aan, ku degdegid (wax).
kaadsanla'aan  eeg kaadsanla'. ld kaadsanla'aansho.
kaadsanla'aansho  ld kaadsanla'aan.
kaadsasho  eeg kaadso. ld kaadsad, kaadsi.
page : 2 of 73
< 1 2 3 4 5 6 7 > >>