Ereyga Maanta: garbis
kabso  1. (f.g) Kabo illasho. 2. (f.mg) Ka k.: dhibaato cid ku dhacday ka barbixid.
kabtan  Sarkaal saddex xiddigood leh; dhamme.
kabti1  1. Orod xoog loo ordo ilaa laga xiiqo; fagax. 2. Fogaan qof ku xiiqo. kabti2  Ilaa laga xiiqo xoog u ordid. kabtin  Masaafo aad u dheer.
kabtiyid  eeg kabti².
kabud  Cudur oogada u yeela nabarro badan oo buurbuuran oo baruur adag ah.
kabuubyo  Dareemaha xubnaha jirka midkood oo is dhimma waxyeello darteed lana dareemo jiriiricyo.
kabuubyoo  Kabuub-yoo dareemid.
kabuubyood  eeg kabuubyoo.
kac  1. Istaagid, joogsasho, sarakicid. 2. Maalbeelid, khasaarid. 3. Roob da'ayey qaadid. 4. U k.: tegid, aadid. 5. Ula k.: kas u yeelid; maagid. 6. Ku k.: yeelid, samayn.
kacaamayn  eeg kacaamee. ld ka-caamin.
kacaamee  1. Cid kacaan ka dhigid. 2. Wax cusbooneysiin. ld kacaami.
kacaami  ld kacaamee.
kacaamid  eeg kacaan². ld kacaan¹ (4).
kacaamin  ld kacaamayn.
kacaan1  1. Isbeddel hawada gala oo keena kuleyl iyo daruuro badan oo muujinaya saadaal roob. 2. Isbeddel siyaaso, dhaqaale iyo bulsho oo qaran gudihiisa ku dhaca; tawrad. 3. Hiyikaca ku dhaca qof safar raba inuu galo. 4. ld kacaamid. kacaan2  1. Hiyi kicid. 2. Hawo isbeddelid. kacaanad  K. ah: haweenay kacaan ah.
kacaandiid  Qof aan mabaadi'kacaan u hoggaansanayn.
kacaannimo  Kacaan ahaansho.
kacbo  ld kabco.
kacdimi  1. Faras kacdin cayrin. 2. Faras kacdin gelin. ld kactimi.
kacdimid  eeg kacdin². ld kacdin¹, kactin¹.
kacdimin  eeg kacdimi. ld kactimin.
kacdin1  1. Orodka fardaha billowga ilaa iyo inta uu ka xiiqaayo. 2. Booddada hore oo farasku orodka billaabaayo. ld kacdimid. kacdin2  Faras kacdin ordid. ld kactin². kacdood1  1. Dib u caaliridda nabar la moodaayay in uu bogsooday dib u caaliro. 2. ld kacdoodid. ld kacdoon. kacdood2  Nabar inuu bogsaday la moodayey caalirid. ld kacdoon². kacdoodid  eeg kacdood². ld kac-dood¹, kacdoomid, kacdoon¹.
page : 11 of 73
<< < 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 > >>