Ereyga Maanta: dabakannaaxid
lulan1   Wax la lulay noqosho. lulan2   Wax la lulay ahaansho. lulasho  eeg lulo. ld lulad.
lulid  eeg lul². ld lulniin.
lullume1  1. Kalluun aad u yaryar oo biyaha macaan ku nool. 2. Cayayaan yaryar oo biyaha macaan ka dhasha; miraxareedeed. ld lullumo. lullume2  (c.nafl.) Heerka caydiga ee raha. Wuxuu leeyahay dabo dheer iyo waafyo. Lulumadu heerka caydiga oo dhan waxay ku nooshahay biyaha. Lugaha dambe ayaa ka hor kora lugaha hore, aakhirkana dabada ayaa ka go'da inta aanu noqon rah qaangaadh ah. lullumee   Sida lullumada u dabaalasho.
lullumeyn  eeg lullumee.
lullumo   ld lullume¹.
lulmid  eeg lulan¹.
lulmo  Daal iyo caajis la dareemo marka jirku hurdo u baahanyahay. ld lulo¹.
lulmoo   Lulmo dareemid. ld luloo.
lulmood  eeg lulmoo. ld lulood.
lulnaan  eeg lulan². ld lulnaansho.
lulnaansho  ld lulnaan.
lulniin  ld lulid.
lulo1  ld lulmo. lulo2   1. (f.g) Caano iwm si subag looga dhaliyo ruxasho. 2. (f.g) Geed si miro looga daadiyo ruxasho. 3. (f.mg) Barwaaqo ku noolaansho. 4. (f.mg) Ka l.: wax meel sare ka soo laallaadsasho. luloo   ld lulmoo.
lulood  ld lulmood.
luman  ld eeg lun¹ (2).
lumee   Beer la abuurayo lun u yeelid.
lumeyn  eeg lumee. ld lumeys.
lumeys  ld lumeyn.
lumi   1. Habaabin; anbin. 2. Xoorid; khasaarid.
lumid  eeg lun².
lumin  eeg lumi. ld lumis.
lumis  ld lumin.
lumiya  (muus.) Meelo ka mid ah degaanka u dhexeeya webiyada ayaa shareerada looga yaqaan lumiya.
lun1  1. Meel dhoobo qoyan oo jilicsan leh oo marka cagta la saaro hoos ula degta. 2. (-uman, m.l) God marka beeraha la abuurayo miraha lagu duugo.3. God hoos u dheer. 4. L. ah: dhar duug ahoo diindiimaya.
page : 42 of 46
<< < 37 38 39 40 41 42 43 44 45 46 >