Ereyga Maanta: jaw
lun2   Wax dhumay noqosho. luncad  Marka beerta roobka ka hor la abuuro.
luncaddee   Roobka ka hor beer abuurid.
luncaddeyn  eeg luncaddee. ld luncaddeys.
luncaddeys  ld luncaddeyn.
luncaddo  L. ah: beer roobka ka hor la abuuray.
lungaduud  Abuur roobka ka dib beer lagu abuuray.
lungaduudi   Beer rays leh abuurid.
lungaduudin  eeg lungaduudi. ld lungaduudis.
lungaduudis  ld lungaduudin.
lunsad  ld lunsasho.
lunsan   Wax lumay ahaansho.
lunsanaan  eeg lunsan. ld lunsanaansho.
lunsanaansho  ld lunsanaan.
lunsasho  eeg lunso. ld lunsad.
lunso   Ammaano ama baadi cid haysay ku tagri falasho.
luqad  ld luuqad.
luqluq1  Biyo yar oo afka gudahiisa lagu dhaqdo. luqluq2   U l.: cid afka u dhaqid. luqluqad  ld luqluqasho.
luqluqasho  eeg luqluqo. ld luqluqad.
luqluqid  eeg luqluq².
luqluqo   Afka gudihiisa biyo yar ku dhaqasho.
luqmad   In cunto ah oo hal mar afka la geliyo ama la goosto. ld luqmo.
luqmaliigle  1. Magaca loogu yeero neef geel ah oo leh luqun qurxoon. 2. Neef geel ah, da'yar oo cayillan.
luqmo  ld luqmad.
luqo  ld luuqad.
luqun   Oogada nafleyda, inta u dhexeysa madaxa iyo garbaha; sur; qoor.
luqundhejis   Suuqadda dumarku qoorta ku xirto jaad ka mid ah oo gaaban.
luquninaatow  Cudur geela qoorta ka qalloociya.
page : 43 of 46
<< < 38 39 40 41 42 43 44 45 46 >