Ereyga Maanta: bedertami
luqunjab  Qoor xanuun, barkin ka dhac.
luqunjablayn  eeg luqunjablee.
luqunjablee   Xoolo dhicis weyn soo ridid.
luqunjebi   ld luqunjibbaar².
luqunjebin  ld luqunjibbaarid.
luqunjebis  ld luqunjibbaarid.
luqunjibbaar1  Legdidda nafley la legdo iyadoo qoorteeda la wareejinaayo. luqunjibbaar2   Nafley iyadoo luqunteeda la wareejinaayo legdid. ld luqunjebi. luqunjibbaarid  eeg luqunjibbaar². ld luqunjebin, luqunjebis.
lur1  Dhibaato, shiddo, luggooyo. lur2   Cid dhibid, shiddayn, luggoyn. luran1   Wax la luray noqosho. luran2   Wax la luray ahaansho. lurid  eeg lur².
lurmid  eeg luran¹.
lurnaan  eeg luran². ld lurnaansho.
lurnaansho  ld lurnaan.
luubaan  Xabag ka baxda geedaha xijiga ah oo udgoon, la shito; mayddi, foox.
luubaandakar  Xabagta mayddiga.
luud   Tabardarro awgeed tartiib u socosho.
luudi1   Kal yar oo bir ah oo lagu tumo geedaha shaaha lagu darsado iyo bunka. luudi2   Wax tartiib u wadid; si tabar yar u socodsiin (qof). luudid  eeg luud.
luudin  eeg luudi². ld luudis.
luudis  ld luudin.
luuf   ld liif².
luuf1   1. Cad yar oo wax dhammaaday ka soo haray (hilib, rooti). 2. ld liif¹. luufid  ld liifid.
luufluuf1  Wax ka soo hara wax dhammaaday ama kala jajabay. luufluuf2   1. Weel iwm dildillaacid. 2. Wax baabi'id.
page : 44 of 46
<< < 39 40 41 42 43 44 45 46 >