Ereyga Maanta: fitaaxsanaansho
luufluufi   1. Wax dildillaacin. 2. Wax baabi'in.
luufluufid  eeg luufluuf².
luufluufin  eeg luufluufi. ld luufluufis.
luufluufis  ld luufluufin.
luufluufsan   Wax luufluuf hayo ahaansho.
luufluufsanaan  eeg luufluufsan. ld luufluufsanaansho.
luufluufsanaansho  ld luufluufsanaan.
luufood  (bot.) Geed ka mid ah geedaha beeyada dhala.
luul   Carrab calalinta ay carruurtu carrabka calaliso.
luul1  Iniino kulkulucsan, sida dhagaxa u adag oo cad ama midab kale leh aadna qaali u ah, kuna dhex jira laba qalbac oo dhulman ah oo laga helo badda gudaheeda. luuli1  L. ah: qurux, xarrago. luuli2   Xarig giijin. luulid  eeg luul.
luulin  eeg luuli².
luuliyo  Sanad qorraxeedka bishiisa toddobaad; juulaay.
luuman   (fiis.) (halbeeg) Summad: Lm. Halbeegga caalamiga ee burqad iftiimeedka, loona qeexo burqadka iftiinka ee ka soo kaaha bar iftiin oo itaalkeedu yahay hal kandeela (cd), una baahaya hab toobineed leh xagal adke oo ah hal istaraadiyan. Sidaas awgeed, 1 lm = (1/4Ò)cd.
luumbi  Ciyaar dhaqameed lagu jidboodo oo laga yaqaan degaanka Banaadir, muusikadeeduna waa shareero, durbaan iyo codad kala duwan. ld nuumbi.
luun1   1. Dhudda uu ku taaganyahay geed meseggo ama gallay. 2. Qolof iyo xayaabo layiig ah oo qof aad u harraaday faruuryihiisi yeeshaan; jiil. 3. Hammuun, qadsanaar. luun2  Tib xoog leh oo sabuulka meseggada lagu shukulo. luunqabad  ld dhuunqabad.
luuq1   Wadiiqo yar oo aad ciriiri u ah hareerahana guryo ka xigaan. luuq2   1. Cod gaar ah oo gabayada iyo heesaha lagu qaado; cod lagu dheeraysto oo laga xareediyo. 2. ld laaq¹. luuq3  (nax.) Weer qaybaheeda kala leh luuq kala duwan. luuqad   Af ay ummadi leedahay oo ay isku fahmaan. ld luqad, luqo, luuqo.
luuqayn  eeg luuqee. ld luuqays, luuqin.
luuqays  ld luuqayn.
luuqee   Ku l.: hees ama gabay iwm cod macaan ku qaadid.
luuqi   ld luuqee.
luuqin  ld luuqayn.
luuqo  ld luuqad.
page : 45 of 46
<< < 40 41 42 43 44 45 46 >