Ereyga Maanta: maneysi
laaqis  ld laaqin.
laarri  Qof dhib badan.
laarrinnimo  Laarri ahaansho.
laas1  Ceel yar. laas2  (juqr.) Bed lamaddegaanka bartamahiisa ku yaal oo biyaha laga helo agtood bacrin ah. laasad  ld laysasho.
laasasho  ld laysasho.
laashin1  Qof maansada tiriya. laashin2  Laba laamood oo mataano ah middood. laashinnimo  Laashin ahaansho.
laasim1  Wax joogto ah. laasim2  Lamahuraan ah. ld laasin². laasimasho  eeg laasimo.
laasimid  eeg laasin³.
laasimo  1. Wax caadaysasho. 2. Meel ku raagid.
laasin1  1. Nooc ka mid ah siyaaqadda ay dumarku qaataan oo ka samaysan dahab ama lacag. 2. Raatibka tusbaxa. laasin2  ld laasim². laasin3  1. Nooc ka mid ah siyaaqadda ay dumarku qaataan oo ka samaysan dahab ama lacag. 2. Raatibka tusbaxa. laaso  ld layso.
laastiko  Wax ka samaysan maaddo marka la kala jiido aan go'in ee kala baxa.
laatiin  Far ama af qaddiim ah oo Roomaaniyiintii hore ku dhaqmi jireen.
laaxig  Bayd faal oo madaxa ka ah labo, tan ku xigtana hal, manjaha iyo tan ka sarreysana min labo.
laaxin  Hadal siduu u dhawaaqi lahaa aan loo qorin ama loo akhrin; gef; qalad.
laayaan  L. ah: nafley, nafleyda kale si naxariisdarro ah u waxyeeleysa.
laayac1  1. Qof xoolaha lumiya oo aan si fiican u ilaalin. 2. Wax aan la ilaalin. ld layac¹. laayac2  Wax baylihid. ld layac². laayacan1  Wax aan la ilaalinayn noqosho. ld layacan¹. laayacan2  Wax la layacay ahaansho. ld layacan². laayacmid  eeg laayacan¹. ld layacmid.
laayacnaan  eeg laayacan². ld laayacnaansho, layacnaan, layacnaansho.
page : 7 of 46
<< < 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 > >>