Ereyga Maanta: maneysi
labaatanaad1  Sanadaha u dhexeeya labaatan ilaa soddon. labaatanaad2  Tirada jagaale, keeda labaatanka u dhigma. ld labaatamaad. labaataneeye  Tir qiyaas ahaan soddon u dhow. ld labaatameeye, labaatameeyo, labaataneeyo.
labaataneeyo  ld labaataneeye.
lababboglee  Labada dhinac hadba mid isu rogid ciil dartii (qof). ld lababoglee.
lababbogleyn  eeg lababboglee. ld lababogleyn, lababogleys.
lababogle  Hadba dhinac u gaddoonka qof sameeyo, jirro ama ciil dartii.
lababoglee  ld lababboglee.
lababogleyn  ld lababbogleyn.
lababogleys  ld lababbogleyn.
labac  1. Xabad baruur leh. 2. Candho xoolaad oo baruur leh.
labacaloolyaa  Geedgaab aan qodax lahayn oo marka ay xooluhu daaqaan ku jirradaan.
labacanlayn  eeg labacanlee. ld labacanlays.
labacanlays  ld labacanlayn.
labacanle  Calalinta cuntada labada can lagu calaliyo. ld labacanlayn.
labacanlee  Labada daan isku mar wax ku calalin.
labacidhifle  (fiis.) Labo saldanab oo isle'eg, isku lid ah, iskuna jira fogaan kooban. Taranta saldanabyada midkood iyo fogaanta u dhexeysa ayaa ah maroojinta labacidhifle.
labaclabac  Qof aan go'aan lahayn.
labaclul  1. Ruxashada xulusta iyo naasaha. 2. Neef xoolo ah oo sid dhaweeyey oo candho keenay.
labacodlayn  eeg labacodlee. ld labacodlays.
labacodlays  ld labacodlayn.
labacodlee  Hadallo isburinaya sheegid.
labacqooye  (bot.) Geed nagaar ah oo wax lagu daweeyo.
labad  ld labasho.
labadablayn  eeg labadablee.
labadable  L. ah: qof laba guri ka wada cunteeya.
labadablee  Laba guri ka wada cuntayn (qof).
labadaryaale  ld labadderyaale.
labaddableyn  eeg labadablee.
labaddaraadle  Si kastaba; hubaal ahaan.
page : 9 of 46
<< < 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 > >>