Ereyga Maanta: maneysi
labadderyaale  Aqal soomaali weyn, qurux badan, oo qalabka uu ka samaysanyahay ay cusubyihiin. ld labadaryaale.
labaddiblayn  eeg labaddiblee.
labaddible  Xiridda gacmaha qof gadaal loo xiro; garbadduub. ld labaddiblayn.
labaddiblee  ld labaddilee.
labaddibleysan  Wax labadible loo xiray ama loo qabtay ahaansho.
labaddibleysnaan  eeg labaddibleysan. ld labaddibleysnaansho.
labaddibleysnaansho  ld labaddibleysnaan.
labaddilee  Qof gacmihiisa gadaal u xirid ama u qabasho.
labadduub  Mardimo geesaha xoolaha iyo ugaartu yeeshaan oo da'dooda lagu xisaabiyo. ld laba-duub.
labadhegood  1. Geedka galleyda, meseggada marka uu yaryahay oo laba caleemood yahay. 2. Fallaar ama hooto laba ganood leh. 3. Weel dhinacyada laba siddo ku leh.
labadulle  Xabaal labo af oo hoos isaga duleela leh oo lagu aaso carruurta saqiirka ah.
labadullee  Xabaal labadulle ah qodid.
labadulleyn  eeg labadullee. ld labadulleys.
labadulleys  ld labadulleyn.
labadulleysan  Xabaal hab labadulle ah u qodan ahaansho.
labadulleysnaan  eeg labadulleysan. ld labadulleysnaansho.
labadulleysnaansho  ld labadulleysnaan.
labafarraarle  Ul gadaal laba ganood ku leh. ld labatarre.
labag  Xilliyada diraaceed mid ka mid ah oo leh dabeylo qabow iyo mararka qaarkood roob aan badnayn.
labaggalle  Laba wejiile.
labaggalley  1. Naag laba wejiile ah. 2. Beenta, runta u eg.
labaggeeriyoo  Silic u dhimasho.
labaggeeriyood  eeg labageeriyoo.
labajaraale  Laba jaro ay isugu xigsato laba qofood oo wada ciyaaraysa midkood.
labajibbaar1  1. Tiro, tiro la eg lagu dhuftay. 2. Isku laabidda xarig laba jeer laysku laabo. labajibbaar2  1. Tiro, tiro la eg ku dhufasho. 2. Xarig laba jeer isku laabid. labajibbaaran  1. Tiro, wax tiro la eg lagu dhuftay ahaansho. 2. Xarig laba mar laysku laabay ahaansho.
labajibbaarid  eeg labajibbaar².
labajibbaarnaan  eeg labajibbaaran. ld labajibbaarnaansho.
labajibbarnaansho  ld labajibbaarnaan.
page : 10 of 46
<< < 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 > >>