Ereyga Maanta: maneysi
laakee  Laako dhalid.
laakeyn  eeg laakee.
laakiin  (nax.) Erey xiriiriya laba tixood oo ulajeeddooyinkoodu is diiddanyihiin; illowse, ha ahaatee, hase yeeshee. Tus. “Waxaan ku iri wax ma haysto, laakiin ima aadan rumaysan”. ld walaakiin.
laako  1. Laangeed oo labo qaybood u kala baxdo. 2. Mataano. 3. Fallaar, dabbaanta ka yara ballaaran oo aan dhega lahayn.
laakoliit  (jool.) Kuus weyn oo dhadhaabo shiileed ah oo ka hooseeya dhulka dushiisa, oo marka qaarkood gaaraysa baaxadda buur; waxaa sababa magmada oo soo dhex gasha qolofta dhulka iyadoon soo gaarin dusha, lakabyada dusha waxaa kor u xooda soo gelitaanka.
laaktays  Insaym uu soo dhiijiyo mindhicirka yari, kaas oo kalkaaliya falgalka biyood ee maltows uu isugu beddelayo laba molikiyuul oo gulukows ah.
laal1  Ciyaar laba kooxood loo ciyaaro oo ku dhisan orod iyo isaseemid. ld lool¹. laal2  1. Wax meel kore saarid. 2. Sharci ama xeer hore u jirey tirtirid. 3. Wax meel sare yaal gacan ku tiigsasho. 4. Laal ciyaarid. 5. Gar iyo dood laba dhinac ka dhexeysa meel adag gelin. laalac1  Lalmashada wax meel sare ka lalmadaan. laalac2  Wax meel sare ka lalmasho. laalacshoobid  eeg laalacshow². ld laalacshow¹.
laalacshoomid  eeg laalacshoon². ld laalacshoon¹.
laalacshoon1  ld laalacshoomid, laalacshow¹. laalacshoon2  ld laalacshow². laalacshow1  Meel sare inta gacmaha lagu qabsado oo la iska soo laalaadiyo (ciyaar jimicsi ku dhisan). ld laalacshoobid, laalacshoon¹. laalacshow2  Ciyaar jimicsi ku dhisan, meel sare inta gacmaha lagu qabsado iska soo laalaadin. ld laalacshoon². laalan1  Wax meel kore saaran noqosho. laalan2  1. Wax meel sare la saaray ahaansho. 2. Arrin aan go'aan laga gaarin ahaansho. 3. Sharci wax la baaba'shey ahaansho. laali  Cid warwareejin.
laalid  eeg laal². ld laalis.
laalin  eeg laali.
laalis  ld laalid.
laallaab1  ld laablaab¹. laallaab2  ld laablaab². laallaabad  ld laablaabasho.
laallaaban1  ld laablaaban¹. laallaaban2  ld laablaaban². laallaabasho  ld laablaabasho.
laallaabid  ld laablaabid.
laallaabmid  ld laablaabmid.
page : 4 of 46
< 1 2 3 4 5 6 7 8 9 > >>