Ereyga Maanta: codlaawe
maanfoos  ld maafoos.
maangaab  Qof caqli iyo garaad yar.
maangaaban  Qof wax caqli yar ahaansho.
maangaabi  Caqli iyo garaad yaraan; maangaab ahaansho. ld maangaabnimo.
maangaabnaan  eeg maangaaban. ld maangaabnaansho.
maangaabnaansho  ld maangaabnaan.
maangaabnimo  ld maangaabi.
maangad1  Arrin adag oo caqliga ka weyn. maangad2  Arrin adag oo caqliga ka weyn la kulmid. maangad3  Kulayl daran oo nafleydu u adkeysan karin. maangadid  eeg maangad².
maangal  M. ah: hadal caqligu oggolyahay, caqliggal, suurtaggal.
maangalnimo  (fals.) Aragti falsafadeed oo amminsan in maanku ama caqligu uu yahay shuruudda ugu muhimsan wax garasho kasta.
maanganiis  (kiim.) Summad Mn. Curiye ka tirsan curiyayaasha kala guurka ee tusaha kalgalka, una jira dabiici ahaan ogsaydh ahaan sida bayroolusayt (MnO). Waxaana loo adeegsadaa sameynta birdhafyada istiilka iyadoo laysku darayo bayroolusayt iyo xadiid laguna gubayo marraaq-danabeed.
maangarad  ld maangarasho.
maangarasho  eeg maangaro. ld maangarad.
maangaro  1. Qof wax uu rabo isaga oo aan sheegin fahmid. 2. Arrin laga hadlay dulucdeeda fahmid.
maanicid  eeg maanac². ld maanac¹ (2).
maankaal  Gufurka ka soo baxa sisinta marka la shiido, oo xooluhu cunaan. ld maakaal.
maanlaawe  Nin aan caqli badan lahayn.
maanlaay  Haweenay an caqli badnayn.
maanomitir  (fiis.) Qalab lagu cabbiro cadaadiska.
maanqaad  Cid maankeeda lumin.
maanqaadid  eeg maanqaad.
maansabooli1  1. Qof sheegta maanso uusan curinin. 2. ld maansabooliyid. maansabooli2  Qof maanso aanu curin sheegasho. maansabooliyid  eeg maansabooli². ld maansabooli¹ (2).
maansayahan  Qof maanso curinta yaqaan; gabyaa; heesaa; laashin.
maansayn  eeg maansee.
maansee  Maanso tirin.
page : 7 of 131
<< < 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 > >>