Ereyga Maanta: codlaawe
maar2  1. Macdan cawlan, jilicsan, oo lacagta iyo alaabooyin kale laga sameeyo. 2. Daxalka biraha dushooda ku samaysan. 3. Biyo muddo fadhiyey wasakhda ka dhalata. 4. Caws jilicsan oo xooluhu daaqaan raradana laga sameeyo. 5. Midab, guduud madow yari ku jiro ah oo lo'du yeelato. maarad  ld maadasho.
maaran  Ka m.: wax ka kaaftoomid.
maararroobid  eeg maarrow².
maararrow1  Madaddaalo qof waqtiga isku dhaafiyo. maararrow2  Wax madaddaalo ahaan waqtiga isugu dhaafin. maararruugle  Gudcur badan oo aan waxba la arki karin.
maarasho  ld maadasho.
maaraweyn  Ciidan gaar ahaaneed oo ka tirsanaa xooggii Daraawiishta.
maardhood1  Ged-gaddoonka uu sameyo qof aad u xanuunsanaya. maardhood2  Qof xanuun weyni hayo gedgaddoon samayn. maardhoodid  eeg maardhood².
maaree  1. Si farsama leh arrin u xallin. 2. Maar ka dhigid.
maareeye  Qof madax ka ah mashruuc weyn ama wakaalad.
maareyn  eeg maaree.
maareysan  1. Mushkilad wax la maareeyey ahaansho. 2. Wax daxalaysatay ahaansho (bir).
maareysasho  eeg maareyso.
maareysnaan  eeg maareysan. ld maareysnaansho.
maareysnaansho  ld maareysnaan.
maareyso  1. Bir daxalaysasho. 2. Biyo muddo fadhiyey wasakh yeelasho. 3. Arrin xal u raadsasho.
maari  ld maadi.
maarin  ld maadin.
maaris  ld maadin.
maarmid  eeg maaran.
maaro1  1. Tab mushkilad lagu xalliyo. 2. Awood; karti; tamar. 3. Jid khatar ah. maaro2  ld maado. maaroobid  eeg maarow.
maarow  1. Wax daxalasatay noqosho (bir). 2. Biyo muddo fadhiyey wax wasakh yeeshay noqosho.
maarriin  Midab dadka u gaar ah oo u dhexeeya casaan iyo madowga.
maarsasho  eeg maarso².
page : 9 of 131
<< < 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 > >>