Ereyga Maanta: liifmid
maaxsan  Wax maax yeshay ahaansho (ceel).
maaxsanaan  eeg maaxsan. ld maaxsanaansho.
maaxsanaansho  1. eeg maaxsanow. 2. ld maaxsanaan.
maaxsanow  Wax maax yeshay noqosho (ceel).
maayad  Qulqulka biyaha badda.
maayliin  (c.nafl.) Lakab ka samaysan walxo dux ah oo ku wareegsan, danabeed ahaan ugu dahaadhan dhambaal, dire unugyada lafdhabarleyda badankeeda iyo unug dareenwadaha qaar ka mid ah lafdhabarla'da. ld mayliin.
mab  ld mam.
mabaadi'  eeg mabda'.
mabac  Dhagax, dhadhaab iwm oo aad u adag oo qalabka qodidda iyo jabintu ayan burburin karin.
mabda'  1. Feker iyo aaraa habaysan oo cidi aamminsan tahay. 2. Aasaaska fikradaha cilmiga ah ee ku saabsan sayniska, diinta akhlaaqda iwm. 3. Ujeeddo.
mabid  ld maamid.
mabsuud1  ld maqsuud¹. mabsuud2  ld maqsuud². mabsuudi  ld maqsuudi.
mabsuudid  ld maqsuudid.
mabsuudin  ld maqsuudin.
mac1  1. Dhadhan wanaagsan oo dhuuni leeyahay. 2. Neef aan caato ahayn, baruur badanna lahayn; lafqab. 3. Dhunkasho (caruureed). mac2  1. Wax macaan ahaansho. 2. Cano dhay eh ahaansho. 3. Wax cayilan ahaansho (neef). macaadin  eeg macdan¹,².
macaahado  ld micaahido.
macaahid  eeg machad.
macaamil  ld macaammilo.
macaamilo  ld macaammilo.
macaamiloo  ld macaammiloo.
macaamilood  ld macaammilood.
macaammil  ld macaammilo.
macaammilo  1. Dhaqan; falfal. 2. Xiriir wanaagsan oo dad badan dhex mara. ld macaamil, macaamilo, macaammil, macbil.
macaammiloo  1. Ku m.: hab gaar ah ku dhaqmid. 2. La m.: cid si wanaagsan ula dhaqmid. ld macaamiloo.
macaammilood  eeg macaammiloo. ld macaamilood.
macaan1  1. Dhadhanka sonkorta, malabka, xalwada iwm. 2. Dhadhan kasta oo carrabku jeclaysto.
page : 11 of 131
<< < 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 > >>