Ereyga Maanta: tartabo
musmaar1  Bir yar alwaaxda layskula qabto, oo af dhuuban iyo sal ballaaran leh. ld musbaar¹. musmaar2  1. Musmaar wax iskula dhejin. 2. Ku m.: cid,cid kale ku dirid. ld musbaar². musmaaran  Wax musmaar lagu dhuftey ahaansho. ld musbaaran.
musmaarasho  eeg musmaaro. ld musbaarasho.
musmaarid  eeg musmaar². ld musbaarid.
musmaarnaan  eeg musmaaran. ld musbaarnaan, musbaarnaansho, musmaarnaansho.
musmaarnaansho  ld musmaarnaan.
musmaaro  Wax musmaar ku qodbasho. ld musbaaro.
musqul  Dhismo yar oo gudihiisa uu ku yaal god lagu saxaroodo laguna kaadiyo; suuli. ld muqsul.
mustacmarad  Dal xukun gumaysi ku hoos jira.
mustacmir  Qof wax gumaysta.
mustagfi  M. ah: qof hanti ku filan leh. ld mustakafi, mutakafi.
mustagfinnimo  ld mustakafinnimo, mutakafinnimo.
mustakafi  ld mustagfi.
mustakafinnimo  ld mustagfinnimo.
mustaqbal  Timaaddo; aayo.
mustareex1  Dhib la'aan iyo nasiino; raaxo. mustareex2  Dhib la'aan iyo nasiino ku jirid. mustareexi  Cid u raaxayn.
mustareexid  eeg mustareex².
mustareexin  eeg mustareexi.
mustareexsan  Wax raaxo ku jira ahaansho.
mustareexsanaan  eeg mustareexsan. ld mustareexsanaansho.
mustareexsanaansho  ld mustareexsanaan.
musuqmaasuq1  Khayaamo, eex, iyo mardadabaan cidi ku dhaqanto. musuqmaasuq2  Khayaano, eex iyo mardadabaan cid kula dhaqmid. musuqmaasuqid  eeg musuqmaasuq².
musuraar1  ld musaraarid. musuraar2  ld musaraar². musuraarid  ld musaraarid.
page : 127 of 131
<< < 122 123 124 125 126 127 128 129 130 131 >