Ereyga Maanta: hadoodil
muudaa  Libaax meelo kala dheer isaga goosha oo wax ka dila.
muudal  Bakhayl; dhabcaal.
muudi  Biyo, kayn iwm wax dhex marin, iyadoo aan la arkayn.
muudid  eeg muud³. ld muud¹.
muudin  eeg muudi.
muudsasho  ld muursasho.
muudsii  ld muursii.
muudsiin  ld muursiin.
muudso  ld muurso.
muufayn  eeg muufee. ld moofayn.
muufee  Cunto meel god ah ama dhismo loogu talagalay oo kulul ku dubid ama ku shiilid. ld moofee.
muufo  1. Kimis ballaaran, wareegsan oo badarka laga sameeyo. 2. God ama dhismo kale oo aad u kulul oo wax lagu dubo ama lagu shiilo. ld moofo.
muug  ld muuq.
muuji  1. Hadal, arrin iwm ujeeddadooda caddayn. 2. Wax, wax muuqda ka dhigid.
muujin  eeg muuji. ld muujis.
muujis  ld muujin.
muul  1. M. ah; wax badan. 2. M. ah: wax, wax ugu wanaagsan. 3. Qof mingis laga tumayo, ciyaaraha loo ciyaaro middooda saddexaad.
muumin  ld mu'min.
muuminnimo  ld mu'minnimo.
muun  1. Ugaarta midkooda lab ee hoggaamiya inta kale. 2. Dameer weyn oo lab ah.
muunad  1. Tayo wanaagsan. 2. Qurux haybad. 3. Xurmo iyo sharaf. 4. Qayb yar oo u taagan alaab la suuq-gaynayo lagana arki karo nooca iyo sifada alaabtaas. ld muuno.
muunadayn  eeg muunadee. ld muunayn.
muunadaysan  Muunad leh ahaansho (wax). ld muunaysan.
muunadaysnaan  eeg muunadaysan. ld muunadaysnaansho, muunaysnaan, muunaysnaansho.
muunadaysnaansho  ld muunadaysnaan.
muunadee  1. Cid sharfid ama xurmayn. 2. Wax qeymo u yeelid. ld muunee.
muunajab1  Luminta qof lumiyo sharaf uu lahaa. ld muunajebid. muunajab2  Sharaf iyo qiimo qof lahaa dhumid. muunajebi  Qof sharaf iyo qiimo uu lahaa ka dhumin.
muunajebid  eeg muunajab². ld muunajab¹.
page : 129 of 131
<< < 124 125 126 127 128 129 130 131 >