Ereyga Maanta: fullaacsan
muusannow2  Qaylo badan oo qof cid u hiilisa ugu yeerto samayn. muusaw  Qosol yar oo dhooluhu muuqdaan sameyn. ld muusoo.
muusid1  eeg muus². muusid2  (jool.) Dusidda biyuhu ay ka dusayaan dulduleellada carrada iyo jeexjeexa dhadhaabaha iyagoo markaas dhulka hoos u sii gelaya. muusika  1. Dhawaaq dheguhu ku raaxaystaan dhabaq lahayn oo ka dhasha qalab ama wax ka badan oo la garaaco ama la yeeriyey. 2. Hees iyo qalab la tumayo oo wadajira. ld muusiqa.
muusiqa  ld muusika.
muuso  Qosol yar oo dhoolluhu muuqdaan.
muusoo  ld muusaw.
muusood  ld muusaabid.
muwaaddin  Qof ka mid ah dad waddan u dhashay.
muwaafaqo  Heeshiis iyo samo lagu wada noolaado.
muxaadarad  Khudbad cilmiyeed oo meel fagaare ah laga jeediyo. ld muxaadaro.
muxaadaro  ld muxaadarad.
muxtaaj  M. ah: qof baahi wax u qaba.
muxubbo  ld maxabbo.
page : 131 of 131
<< < 126 127 128 129 130 131