Ereyga Maanta: fullaacsan
maago  Ka m.: wax cabsi darteed uga dheeraansho. maahane qr. ld mooyaane.
maahi  Wax maahsan ka dhigid; is m.: qof caqligiisu maqanyahay iska dhigid; is khaafin.
maahin  eeg maahi.
maahmaah1  Erayo kooban, qaafiyad leh, oo sheegaya murti waayo-aragnimo xambaarsan. ld maahmaahyo. maahmaah2  Maamaah sheegid ama allifid. maahmaahid  eeg maahmaah².
maahmaahyo  ld maahmaah¹.
maahsan  Qof aan fiiro iyo feejegnaan u lahayn goobta uu joogo wax ka dhacaya oo qalbigiisu ku hawlanyahay meel kale ahaansho.
maahsanaan  eeg maahsan. ld maahsanaansho, maahsani.
maahsanaansho  ld maahsanaan.
maahsani  ld maahsanaan.
maajeen1  Midab guduud boor xigeen ah oo ay lo'du yeelato. maajeen2  Naq badan. maajo  Bisha shanaad ee taariikhda miilaadiga ah.
maakaal  ld maankaal.
maakhad  1. Awood, karti. 2. Hadal been ah.
maakhadee  U maakhadee cid been ku madadaalin.
maakhadeyn  eeg maakhadee.
maakhiido  Haweeney gaari ah.
maal1  1. Hanti. 2. ld maashi. (-lal, m.l) Neef irmaan oo cid la ammaanaysiiyo si uu u intifaacsado. 3. ld maalid. maal2  Malax. maal3  Neef irmaan caano ka lisid. maala-abbaar  Mala'awal.
maalan  Wax la lisay ahaansho (neef irmaan).
maaleeyo  1. Dheecaan aad u madow, qaraar oo geedaha qaarkood dhalaan. 2. Hoore kasta oo midab aad u madow leh.
maalgeli  Mashruuc hantigelin si loo hormariyo.
maalgelin  eeg maalgeli. ld maalgelis.
maalgelis  ld maalgelin.
maali  Cid neef irmaan ammaanaysiin.
maalid  eeg maal³. ld maal¹ (3), maalis², maalniin.
page : 3 of 131
< 1 2 3 4 5 6 7 8 > >>