Ereyga Maanta: liifmid
n  Xarafka afar iyo tobnaad ee xuruufta af soomaaliga, waa shibbane.
na1  Magacuyaal layeele oo tilmaamaya qofka koobaad ee wadarta ah, oo kuwa lala hadlayaa aanay ku jirin. Tus. “Idinkaa na siiyay buuggan”. na2  1. (-na) Qurub lagu xiriiriyo laba tixood. Tus. “Dariishadda fur, nalkana demi”. 2. Xataa. Tus. “Waxa Guuled la siiyay Warfaana ha la siiyo”. 3. Midkoodna,mana. Tus. “Midkoodna ma imaan karo, qofna ma iman”, “Waxaan oo kale weligay ma arkin mana maqlin”. naa  Erey qof dumar ah loogu dhawaaqo ama loogu yeero ama lagu soo jeediyo; magac ayaa badanaa ka dabadhaca. Tus. “Naa Kaaha!”, “Naa Ubax”. ld naayaa.
naa'ib  1. Mudane ka tirsan barlamaanka. 2. Wakiilka qof madax ahi leeyahay.
naab1  ld naabid. naab2  (daaw.) Qolof qallalan oo fuusha bishimaha qofka marka uu harraado ama uu bukoodo; jiil. naab3  1. Wax fur ku adkeyn. 2. Ku n.: wax la kor saaray wax kale ku dhejin. naaban  1. Wax fur lagu naabay ahaansho. 2. Wax wax kale kor lagaga dhejiyey ahaansho.
naabid  eeg naab³. ld naab¹, nabid.
naabnaab1  1. ld naannaab 1. N. ah: qof caqli yar oo shiddo badan. 2. ld naabnaabid. naabnaab2  1. Qof, wax shiddo badan oo caqli yar noqosho. 2. Qof faqri daran la kulmid. 3. Ku n.: si foolxun oo ka fuqid lahayn ugu dhegid u qabsasho. ld naannaab². naabnaabi  Naabnaab ka dhigid (qof). ld naannaabi.
naabnaabid  eeg naabnaab². ld naabnaab¹, naannaab¹, naannaabid.
naabnaabin  eeg naabnaabi. ld naannaabin.
naabnaan  eeg naaban. ld naabnaansho.
naabnaansho  ld naabnaan.
naacaabi  ld neecaabi.
naacaabin  ld neecaw.
naacawsasho  ld neecawsasho.
naacawso  ld neecawso.
naadh  ld naar.
naadi1  1. Rug dad isku dan ahi ku kulmaan. 2. Dad isugu tegay arrimo siyaaso, jinsiyad, ama bulsho. naadi2  1. Wax la rabo in dad badan la ogeysiiyo ku dhawaaqid. 2. Wax la rabo in la iibiyo qiimihiisa ku dhawaaqid. naadin  eeg naadi².
naadir1  Aan had iyo goor la heli karin (wax); dhif ah. naadir2  (juqr) Bar ku dhisan aragtida aan sababaysnayn ee laga helo samada gudaheeda, taas oo lid ku ah fuqa. naadirnimo  Naadir ahaansho.
naado  1. Ogeysiis dad loo bandhigayo. 2. Bandhig iib oo tartan ku jiro.
naaf1  1. Xiddig ka mid ah ururka naafo. 2. (m.w) Toddobada xiddigood oo “naafcadduhu” ugu horreeyo, “dirirkuna” ugu dambeeyo; waxay u dhexeeyaan toddobada “raqaha” iyo toddobada “daalallida”; waa xiddigo xagaa.
page : 1 of 35
1 2 3 4 5 6 > >>